Sign in to follow this  
Maaddeey

Deg-deg: Fight btw Shabab Govt troops in WAAJID

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaalo galabta ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Waajid ee G/Bakool.

Posted: 10/15/2009 8:39:00 PM

Shabelle: WAAJID

Abaaro 5-tii galabnimo ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in dagaal uu ka qarxay deegaanka Lagu Magacaabo Buur dhuxule oo 30-km u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

 

 

Dadka deegaanka ayaa Idaacada Shabelle waxaa ay u sheegeen in dagaalku uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwii ku sugnaa degmada Yeed ee gobolka Bakool kuwaasi oo weerar ku soo qaaday ciidamo kale oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab kuna sugnaa deegaanka Buur Dhuxule.

 

 

 

Dagaalka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha ka dhashay waxaana inoo suurta gali weysay Xariiro aan la samaynay Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab si aan waxbadan uga ogaano dagaalada iyo qasaaraha ay geysteen.

 

 

 

Balse Aadan Max’ed Nuur (Aadan Sarasoor) oo sheegay in dowlada KMG ee Soomaaliya uu u qaabilsanyahay gobolada Bay iyo Bakool oo caawa la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ay kala wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab deegaanka ay weerarka ku soo qaadeen.

 

 

 

Waxaa uu intaasi ku daray in qorshahaani uu ahaa howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda waxaana uu ka gaabsaday qasaaraha dhinacooda iyo dhinaca ka soo horjeeda dagaalka uu u geystay.

 

 

 

Ilaa iyo hadda warar dhab ah lagama hayo dagaalka iyo qasaaraha uu shacabka u geystay,waxaana sidoo kale aan si dhab ah loo ogeyn cida gacanta ku heysa deegaanka Buur Dhuxule oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

 

 

Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this