Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Khaarajiga oo Qaabilay Danjireyaal Badan oo ka Socday Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Khaarajiga oo Qaabilay Danjireyaal Badan oo ka Socday Caalamka

Hargeysa(Qaran news) โ€“ Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiska ku qaabiley 7 ka mida safiirada Somaliland ujooga wadamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhaxeeyo.

Kulanka wasiirku la yeeshay safiirada waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Siciid Axmed Cabdikariin.

Safiiraddan ayaa JSL u fadhiya wadamadda kala duwan ee dunida, kuwaas oo ku sugan dalalk, Ingiriiska ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง, Maraykanka ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ, Canada ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ฆ, Turkiga ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ท, Norway ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ด, Sweden ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ช, Taiwan ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ผ, iyo Koonfurta Suudaan ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ธ,.

Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay Ergeyga JSL u qaabilsan wada-hadaladda Somaliland iyo Somaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Ergayga JSL u qaabilsan Ururka ay ku midoobeen wadamadda Qaaradda Afrika ee AU iyo Urur-goboleedka IGAD Mudane Safiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Ujeedadda kulankan ayaa ahayd mid lagu kala warqaadanayay warbixin la xidhiidha xaalada guud ee dalka.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa ka codsaday safiirada xoojinta xidhiidhka wada shaqeyd ee wasaaradda iyo wadamada ay joogaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this