Sign in to follow this  
Saalax

Faysal Cali Waraabe Oo Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ku Maseeyay Kuwii Uu Siyaad Barre

Recommended Posts

Saalax   

Faysal Cali Waraabe Oo Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ku Maseeyay Kuwii Uu Siyaad Barre Jeedin Jiray

 

2ll1wr8.jpg

 

“Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.”

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga jawaabay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin jeediyay toddobaadkan.

 

Madaxweyne Rayaale, ayaa khudbadiisa, waxa uu ku weeraray madaxda mucaaradka oo safaro ku jooga dalal Yurub ka tirsan iyo dalka Maraykanka, isagoo sheegay inay qurbaha u tagaan kala qaybinta qurbo jooga. Hase yeeshe guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada London xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa khudbadaas Madaxweyne Rayaale, ku sifeeyay inay la mid tahay khudbadihii uu maalmihii xukuunkiisa u dambeeyay jeedin jiray Maxamed Siyaad Barre, oo xukunkii Somaliya sannadkii 1991-kii lagaga tuuray dagaal hubaysan. “Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu isagoo ka hadlaya eedaynta uu Madaxweynuhu u jeediyay ee ah inay kala qaybiyaan qurbojooga, uu yidhi, “Waxa la ogyahay in wasiiradiisu ay yihiin kuwii uu u soo diray inay dadka qabyaalad u kala qayb qaybiyaan marka ay qurbaha yimaadaan oo uu mid waliba reerkiisa la shiro. Annagu isagoon Madaxweyne ku xigeen ahayn ayaanu u hadli jirnay qaddiyadda Somaliland. Imikana markaanu dibadda tagno sirtisiisa ayaanu soo helnaa iyo inaanu daacad ka ahayn dalka, oo wadamada uu tago waxay ku soo heshiiyaan ee ay soo qor ku yidhaahdaan oo aanu soo qorin, markaas waxaanu soo ogaanaa wadamada dibadu waxay ka qabaan, taas ayaanu cuqdad ka qabaa.”

 

Mar, la weydiiyay sida uu u arko eedda Madaxweynaha ee ah inay qurbaha wareegaan, islamarkaana ay yihiin rag qurbo joog horeba u ahaan jiray, waxa uu yidhi,“Annaga colaadii Siyaad Barre ayaa qurbaha na gaysay, waxase nasiib darro ah in dadku markii ay khaatiyaan is taageen ay isaga ka soo qaxayaan sidii looga soo qaxi jiray Siyaad Barre oo dadkii ayuu niyadii ka dilay, wadankiina wuu burburiyay. Maxay dadku badda isugu tuurayaan ee ay ugu dhimanayaan saxaaraha, waa cid ayaan masuul ka ahayn.”

 

Faysal, isagoo, ka hadlaya xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi iyo weliba handadaad ay qaar ka mid ah saxaafada Somaliland ku hayso, muddooyinkii u dambeeyay, waxa uu yidhi“Waxaas oo dhani wuxuu samaynayaa cabsi gelin, laakiin waxaanu u sheegaynaa inaanay dadka Somaliland maanta ka baqanayn xaqooda, oo ay doorashadu qabsoomi doonto oo cod lagaga qaadi doono inshaalah, sharaftii Somaliland-na la soo noolayn doono. Dadku way heli doonaan oo saxaafadu xor ayay noqon doontaa, markaas arrimahaasi waa cago juglayn uu doonayo inuu sameeyo. Waanan ka xumahay inuu qurbo joogii Somaliland ku yidhaahdo lacagtooda waxay ku bixinayaan wax dumin. cidda dalka baabiinaysaa waa isaga.”

 

Faysal Cali Waraabe, isagoo ka hadlaya eedda uu Madaxweynuhu u jeediyay Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah, inuu aaminsanyahay mabda’a federaalka, waxa uu yidhi “Ninka yidhi Siilaanyo wuxuu rabaa federal, waxa federal iyo Somaliya umadda ku celinayaa waa isaga oo dalkii dhufaanay oo ka dhigay dal baaba’a ah oo aan horumar lahayn oo aan xuduudihiisii gaadhin oo ka dhigaya Somaliland dal fashilmay.”

 

 

Geeska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this