Sign in to follow this  
Maaddeey

Deg-deg: Fight btw Shabab Govt troops in WAAJID

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaalo galabta ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Waajid ee G/Bakool.

Posted: 10/15/2009 8:39:00 PM

Shabelle: WAAJID

Abaaro 5-tii galabnimo ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in dagaal uu ka qarxay deegaanka Lagu Magacaabo Buur dhuxule oo 30-km u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa Idaacada Shabelle waxaa ay u sheegeen in dagaalku uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwii ku sugnaa degmada Yeed ee gobolka Bakool kuwaasi oo weerar ku soo qaaday ciidamo kale oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab kuna sugnaa deegaanka Buur Dhuxule.

Dagaalka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha ka dhashay waxaana inoo suurta gali weysay Xariiro aan la samaynay Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab si aan waxbadan uga ogaano dagaalada iyo qasaaraha ay geysteen.

Balse Aadan Max’ed Nuur (Aadan Sarasoor) oo sheegay in dowlada KMG ee Soomaaliya uu u qaabilsanyahay gobolada Bay iyo Bakool oo caawa la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ay kala wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab deegaanka ay weerarka ku soo qaadeen.

Waxaa uu intaasi ku daray in qorshahaani uu ahaa howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda waxaana uu ka gaabsaday qasaaraha dhinacooda iyo dhinaca ka soo horjeeda dagaalka uu u geystay.

Ilaa iyo hadda warar dhab ah lagama hayo dagaalka iyo qasaaraha uu shacabka u geystay,waxaana sidoo kale aan si dhab ah loo ogeyn cida gacanta ku heysa deegaanka Buur Dhuxule oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ See if you can contact your family, and if it is true then Ilaahay ha u gargaaro reerka iyo wixii ku nool Waajid.

Xaalada Goobihii Dagaaladu ka dheceen ee G/Bakool oo degan.

By Somalimirror on 16 Oct, 2009 10:23 AM in Main, Wararka

Waxaa saaka Degan Xaalada Deegaanka Buur-dhuxule oo dhanka Waqooyi 30km kaga beegan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool halkaas oo Shalay galinkii Dambe Dagaal ku dhex marey Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah & Xarakada Shababul Mujaahidiin.

Ugu yaraan 2 Qofood ayaa ku dhimatay 4 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalkii Shalay gabal dhicii ka dhacay Buurdhuxule.

Dadka dhaawacmay iyo mid kamid ah labada qofood ee Geeriyootay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa la dhigay goob Caafimaad oo ku taal deegaanka dirirtu ka dhacday.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa caadi ku soo noqotay kadib markii uu dhamaaday Dagaalku waxaana haatan gacanta ku hayo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Dhanka Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Gobolka Bakool laakin dhanka kale Aadan saran soor oo DKMG ah kamid ah ayaa horey u Sheegay inay iyagu Dagaalka qaadeen ayna ka gaareen ujeedadii ay kalahaayeen.

www.somalimirror.com

Waajid Eebbe ma gaarsiiyo dagaalka. But knowing Saransoor, ma joojinaayo. It is now a personal war for him. His brother-in-law and close cousins and other close relatives ayee ka dileen kuwaas Dhalinta sheeganaayo at the beginning of this year. Though they were militia leader and militias.

Eebbe haka qabto maatida masaakiinta ah labadaan falan, wax aan dagaal ka ahayn aanan wax kale garaneynin.

If only my ayeeyo yeeli lahayd inay ka baxdo that degmo. Waajid ku dhagtay oo inay ka baxdo diiday, qabrigeyga inta waaye leh.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this