Sign in to follow this  
Somali Pirate

hahaha puntland does not support djibouti process

Recommended Posts

what a suprise. Puntland leaders have been revealed to be a backward clannish state. When their master abdullahi yusuf ruled, it was support the TFG.

 

What a bunch of jokers.

 

Puntland oo digniin ka soo saartay Shirka Jabuuti

Tuesday, January 27, 2009 - 11:04 AM

 

 

Wasiirka warfaafinta DGPL Warsame Cabdi shirwac oo maantay shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay si weyn uga soo horjeedo wadahadalka ka socda Jabuuti.

 

 

Wasiirka ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in wadahadalka Jabuuti uusan aheyn mid Shacabka iyo dowlada Puntland aysan marna raali ka aheyn in sida wax loo qeybsaday aysan aheyn sida uu sheegay habkii soomaalida markii hore ku heshiisay ee 4.5.

 

Warsame waxa uu hadalkiisa oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay il gaar ah ku fiiriyaan shirka Jabuuti isaga oo yiri ” Xubnaha barlamaanka Puntland uga qeyb galay beelaha ku dhaqan awood uma laha in nin Banaadir iyo gobol kale ka yimid uu soo xulo”.

 

Wasiirka warfaafinta Puntland waxa uu sheegay in Xildhibaanada ka qeyb galay Kulanka Jabuuti ay yihiin kuwo aan matalin shacabka iyo weliba beelaha reer Puntland isaga oo hadalkiisa ku sii daray in Puntland ay ogtahay oo keliya 3 Qof oo Mucaaradka ka mid ahaa balse uu diiday in uu faahfaahiyo magacyada ay leeyihiin.

 

Hadalka wasiirka ayaa waxa uu imanay iyada Madaxweynaha Puntand uu war qoraal ah u diray wakiilka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla kaas oo wasiirku sheegay in uusan wax faahfaahin ah ka bixin karin Hadii ay jirto jawaab iyo in kale.

 

Dhanka kale waxaa Magaalooyinka Puntland oo dhan laga dareemayaa hadal haynta Shirka Jabuuti iyadoo Magaalada Galkacyo ay dhawaan ka dhaceen Banaan bax weyn oo lagu taageerayo go’aanka ay Maamul goboleedka Puntland ay u gaartay si wada jir ah.

 

XOL

Garowe,Puntland

Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this