Xaaji Xunjuf

Gavin Williamson introduces Bill on Somaliland recognition

Recommended Posts

 

 

The Brits are getting bolder this is the 7h MP in the house of commons  that adressed the Somaliland recognition

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlaannada Somaliland iyo UK Oo Isku Horfadhiistay Kulan Arrimo Xasaasiya Lagaga Hadlay iyo Qodobbo Laysla Qaatay

April 7, 2024

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golahaas, Md Siciid Mire Faarax (Giirre) oo ay weheliyaan dhowr mudane, ayaa maanta qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayaan xubno ka tirsan baarlamaanka Dalka UK.

Xildhibaannada Baarlamaanka UK oo u ololeeya Qadiyadda Somaliland, waxa socdaalkooda ku wehelinaya suxufiyiin ka hawl-gala warbaahinta dalka Ingiriiska iyo khubaro ka tirsan Ururka College Green Group oo ka shaqeeya u ololaha doorashooyinka iyo Qadiyadaha dowladaha.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, waxa ay labada dhinac isweydaarsaadeen aragtiyo, talooyin iyo guudmar lagu iftiimiyey xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska iyo doorka dowladdoodu ka qaadan karto taageerada qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, gaar ahaan xaaladaha ged-geddoonka siyaasadaha dunida iyo Gobolka, sooyaalka dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sii-horumarinta dedaallada aqoonsi-raadinta Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Wakiillada, waxa lagu yidhi, “Guddoomiye Giirre wuxuu u dul-maray wafdiga hannaanka iyo geeddi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland u soo martay hanashada dawladnimeeda iyo doorashooyinkii siddeeda ahaa ee ah hal-qof iyo hal-cod ee ka soo bilaabmay 2001 iyo aftidii Dastuurka Qaranka ilaa kuwii natiijadooda ay xilalalka si nabdoon kula kala wareegeen saddex madaxweyne, laba Gole-wakiillo – oo uu ka mid yahay kan hadda fadhiya oo xilka loo dhaariyey Ogost 2021, iyo saddex golayaal deegaan oo dalka oo iidil ah.Waxa Guddoomiye Giirre ku nuuxnuuxsaday sida Jamhuuriyadda Somaliland ugu fara-adaygtay taabbagelinta maamul-wanaaggeeda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhaqanto,”

“Waxa Guddoomiyuhu taabtay doorka Golaha Wakiillada Somaliland, oo ah ah aqalka hoose ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, uu ku leeyahay sharcidejinta, korjoogtaynta iyo metelaadda bulsha, iyo sida muddadii uu xilka hayey u ansxixiyey xeerar halbowle ah oo uu ugu dambeeyey kaabistii iyo wax-ka-beddelkii Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, oo saxal tiray suurta-galnimada qabsoomidda doorashooynika isku sidkan ee Madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee loo ballamay sannadkan dabayaaqadiisa,” sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Xildhibaan Tim Loughton iyo Xildhibaan Alexander Stafford oo Baarlamaanka UK ugu jira Xisbiga talada dalkaas haya ee Conservative-ka, ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay si mug leh uga mahad-celiyey qaabilaadda iyo soo-dhaweynta lagu qaabilay, waxaanay iska daba-mareen sida ay ugu heelan yihiin isbarbar-taagista dimuqraadiyadda iyo dawladwanaagga Jamhuriyadda Somaliland.

Waxa xildhibannadu tilmaameen ahmiyadda jiritaanka iyo joogtaynta nabadda iyo ganacsiga mandaqaddani u leedahay dunida iyo sida ay muhiimka u tahay in dhidibbada loo adkeeyo saaxibtinimada iyo danwadaagga ka dhexeeya Somaliland iyo saaxiibbadeeda Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MPs from the UK Parliament visited Somaliland

by Qaran News | Apr 5, 2024

MPs from the UK Parliament visited Somaliland
 

Hargeisa (Qaran news) A delegation from the British Parliament visited Hargeisa, the capital of the Republic of Somaliland.

The Deputy Minister of Foreign Affairs of Somaliland, Mrs. Rooda Jama Ilmi welcomed him to the runway of Cigaal International Airport in Hargeisa.

This delegation includes Alexander Stafford and Tim Loughton, both members of the UK Parliament, who are among the members who support the cause of Somaliland.

They are going to meet the president of Somaliland Md. Muse Bihi Abdi and the parliament as well as the senate and the opposition parties

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Be warned, Britain is skint, and seeking fresh deep waters to fish to keep the lights on in London. Anything the conniving Brits do, does not benefit Somalis, not then nor now..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.