Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Father of alleged bomber exposes and refutes the lies about his deceased child

Recommended Posts

Dowladda KMG ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale weji gabax kala kulantay wiil ay ku tilmaamtay in uu yahay ninkii fuliyay

qaraxii 3 December 2009 ee ka dhacay Hotel Shamoow halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen

dad dhowr ah oo ay ku jireen Wasiiro ka tirsanaa DKM iyo Arday Jaamacado dhiganaysay iyo weliba Dhakhaatiir caan ka ahaa Muqdisho.

Dowlada Shariif ayaa isla markii qaraxu dhacayba iyadoo aan wax baaritaan ah oo muuqda aan sameyn waxa ay dusha kaga tuurtay

Xarakada Shabaab Almujaahidiin kuna tilmaamtay qaraxaasi mid ka dhashay fal Ismiidaamin ah taas oo ay Xarakadu gaashaanka u daruurtay.

Maalmo kadib ayey dowladu soo bandhigtay Sawirka nin ay ku sheegtay in uu yahay fuliyihii qaraxa oo kala go’an waxayna ku sheegeen inuu xirnaa Jilbaab iyo Indhashareer sidaasna uu kusoo galay goobta shirka waloow aysan sawirka ka muuqan dharkaas ay sheegayeen,

balse ay ka muuqatay inuu xirnaa shaati cadaan ah oo baro madmadoow leh

halka qaar kale oo ka tirsan isla DKM ay sheegeen inuu ninku hore usii deganaa hoteelka sidaasna uu qaraxa u fuliyay,

Hadaladaas iskhilaafsan ayaa noqoday waxa ugu horeeya ee dadwaynaha shaki geliya,arinkana ka dhiga mid cakiran oo jawaab ku filan loo haynin.

Hadaba maalinkii Khamiista 10 December 2009 ayaa waxaa mar kaliya lagu wada baraarugay nin lagu magacaabo XASAN XAAJI oo degan Wadanka Denmark Magaalada Copenhegan oo sheegay inuu Aabe u yahay Wiilka ay Dowladu soo bandhigtay laguna Magacaabo CabdiRaxmaan

uuna wiilkiisu Soomaaliya aaday dabayaaqadii sanadkii 2008 isaga iyo xaaskiisa iyo cunug yar oo ay dhaleen si ay gabadha reerahooda usoo booqdaan

dhanka kalena ay soo bartaan Quraanka iyo Diinka intii ay awoodaan,

wuxuuna ku tilmaamay sheegashada dowlada ee ah in wiilku isqarxiyay mid been abuur ah oon waxba ka jirin.

Xasan Xaaji ayaa sheegay in wiilkiisu uu maalinkii Arbacada ahayd 2 December 2009( maalin kahor qaraxa shaamoow) uu ka yimid Magaalada Marko Cadeey gobolka Shabellaha Hoose

halkaas oo ay u degantahay xaaskiisa uuna Muqdisho usoo aaday si uu xaaskiisa Shoobin (Adeeg) ugu soo sameeyo maadaama ay dhawaan umuli doonto

kadibna markii Muqdisho yimid uu ka helay casuumaad saaxiibkiis oo kamid ahaa dadkii qalin jebinayay sidaasna ku tegey Hotel Shamoow halkaas oo uu kamid noqday dadkii ay wax kasoo gaareen qaraxa meesha ka dhacay isaga iyo saaxiibkiisba.

Xasan Xaaji oo ka jawaabayay su’aal ahayd in wiilkiisu uu xiriir lalahaa xoogaga diidan hanaanka dowlada ayaa sheegay in wiilkiisu aanu marnaba wax xiriir ah la yeelan xoogagaas isla markaana aanu ahayn dadka u dhashay adkaanta iyo dagaal gelista,

uuna markii ugu dambeysey ee ay wada hadleen u sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya ka tago oo uu aado Magaalada Qaahira (Caasimada wadanka Masar) balse uu sugayo oo kaliya inta ay xaaskiisu ka dhalayso.

Dowlada uu hogaamiyo Shariif sheikh Axmed ayaan ilaa hada soo bandhigin wax cadaymo ah oo lagu kalsoonaan karo

waxaana iyadoo muddo hada isbuuc ka badan laga sugaayay inay cadaymahaas soo bandhigto ku mashquulsantahay dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn iyo tacsi ay sheegeyso inay ka gudoomeyso dowlado iyo Hay’ado Ajnabi ah oo la xiriira dhimashadii Wasiiradii 4ta ahaa ee uga dhintay qaraxaas.

Bartamihii sanadkaan ayey ahayd markii ay Dowlada Shariif soo bandhigtay wiil dhalinyaro ah oo ay ciidamadeedu dileen

kaas oo ay ku sheegtay inuu yahay Sarkaal Ajanabi ah kana soo jeeda wadanka Bangaladesh uuna hogaaminayay Ciidamada iyada kasoo horjeeda

Balse hadalkaas ayaa beenoobay kadib markii laga war helay in wiilku yahay Soomaali kana soo jeeda Beelada Banaadiriga ah kaas oo ka yimid Wadanka Mareykan-ka si uu ula dagaalamo Ciidamadii Gumaysi doonka ahaa ee Itoobiya iyo wixii lamid ah.

Intaas kaliya ma aha been abuurka lagu bartay dowlada Shariif ee waxay bartamihii Bisha October ee sanadkaan aan ku jirno soo bandhigtay

wiil kale oo ay dileen Ciidamada Amisom kaas oo Cabdullahi Xasan Bariise (Afhayeen booliska Soomaaliyeed) uu ku sheegay inuu yahay dagaalyahan Ajnabi ah kana soo jeeda wadanka Yemen,

Balse sida caadada ah hadalkaas ayaa beenoobay kadib markii lasoo xaqiijiyay inuu yahay Wiil Soomaali ah laguma magacaabi jiray

Maxamed Cabduqaadir Cabdullahi kana soo jeeda beesha Reer Aw-Xasan- kuna dhashay Magaalada Afgooye

halkaasna ku barbaaray waxbarashadiisiina kusoo qaatay ilaa dugsi sare iyadoo lala kulmay reerkiisii oo ay ugu horeyso Ayeeyadiis oo lagu magacaabo Qureysho Shariif oo saxaafada kula hadashay 24-10-2009 gurigeeda Magaalada Afgooye.

Isku soo wada duuboo maamulka dhuljiifka ah ee uu hogaamiyo Shariif Sh Axmed ayaa la sugayaa sida ay uga jawaabi doonaan fadeexadaan cusub ee soo food saartay ayada oo aysan marnaba shacabka Soomaaliyeed aysan sugayn in ay jawaab waafi ah ka bixin doonaan fadeexadaan soo food saartay maamulka Villo Somalia.

Halkan ka dhagayso wareysigii uu Xasan Xaaji Siiyey idaacadda VOA

"O you who believe! If a faasiq comes to you with a news, verify it, lest you harm people in ignorance,

and afterwards you become regretful to what you have done."

Al-Hujraat, 6

Share this post

Link to post
Share on other sites
Juje   

Xaaji Xassan wa waliid wax dhaley samir iyo iman Allah ka siiyo wilkisa. Lakiin his story does not add up amd he has proved beyond doubt that his son was the suicide bomber.

What would have been best for Xaajiga was to saty silent on the whole issue but now that he has talked he seems to be condoning.

NGONGE   

^^ Is Shaakirullah implying that such bombings are wrong? That's a good thing, is it not? :D

I could not read the whole thing, saaxib. It's written like the rant of a Universal TV reporter. Easy to listen to but hard to read.

Abtigiis   

I believe the father has provided more alibi as to why his son is the bomber than a refutation.

Shakirullah,

I second Ngonge's feeling. It is good you think this act was wrong. We will see what you say when the next bombing occurs and Alshabab claims.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this