Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Aadan Madoobe oo qabtay kulan deg deg ah oo lagu go’aamiyey 5 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   
guddiga-joogtada-ah-ee-golaha-shacabka.p

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan isugu yeeray guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, saacado kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Kulankaan oo dhacay Jimcaha maanta ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray ajendeynta kulamada golaha shacabka ee kalfadhigaan 3-aad, waxaana lagu dejiyey qorshaha sidii goluhu uu kalfadhigaan uga shaqeyn lahaa wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday sida loo maareynayo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu ay gasho, la xisaabtanka golaha fulinta iyo hey’adaha kale ee dowladda.

Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Nuux ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii kulanka guddiga looga hadlay, wuxuuna sheegay in la go’aamiyey in la qaato nidaam lagu saleynayo habraaca shada kalfadhigaan 3-aad ee golaha.

Ajendayaasha kalfadhigaan ee muhiimka waxaa ku jira waxka bedelka dastuurka, waxaana soo gudbi doona guddiga la socodka ee arrimaha dastuurka.

“Waxaan ku heshiinay in kalfadhigaan la meel-mariyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gashay oo laga rabo in loo soo gudbiyo baarlamaanka, iyadoo lala xisaabtami doono xukuumadda,” ayuu yiri Habdhowraha golaha shacabka.

Wuxuu sheegay in kalfadhigii labaad ay muhiimad siiyeen ansixinta shuruucda dalka, halka kalfadhigaan 3-aad ay muhiimad gaar ah sii doonaan arrimaha dastuurka, la xisaabtanka xukuumadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu ay galeyso, sida uu sheegay habdhowraha golaha shacabka Maxamed Nuux.

Dhankiisa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uga warbixiyey safar uu ku tegay dalka Sacuudiga iyo waxyaabo quseeya shaqada golaha oo ay isku soo afgarteen dhiggiisa boqortiiyada Sacuudi Carabiya.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Aadan Madoobe oo qabtay kulan deg deg ah oo lagu go’aamiyey 5 qodob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this