Sign in to follow this  
General Duke

Puntland admin takes over Port area....

Recommended Posts

Maamulka Puntlaand Oo gabi ahaanba la wareegay dhulka Garoonka Boosaaso ilaa Qaw

Posted to the Web Feb 13, 05:45

 

 

Boosaaso: Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta Gabi ahaan kala wareegey shacabkii iska lahaa dhulka banana ee u dhaxeeya Garoonka Magaalada Boosaaso Iyo halka loo yaqaano Jaanka Qow ee dhinaca xeebta waqooyi galbeed ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

 

 

Hadaba Xafiiska madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Digreeto maanta Ka soo baxdey oo ay sumadeedu ahayd MW/DPS/45/2007, kuna taariikhaysnayd 13/02/2007, ayaa lagu go'aamiyey in dhulkaas bannaan ee u dhexeeya Garoonka Diyaaradaha iyo Jaanka Qow dawladdu ay dan guud ula wareegtey.

 

 

Digreetadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo saxaafadda loo qaybiyey ayaa si toos ah ugu socotey dadka mulkiilayaasha ah ee dhulkaas bannaan qabsaday iyadoo ogeysiin la siiyey wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka, duqa degmada Boosaaso iyo taliyaha ciidanka booliiska Puntland.

 

 

Sidoo kale, wareegtadan ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha ayaa ku cad in ay dawladdu la wareegtey dhulka buurta ah ilaa iyo xeebta ee ku dherersan deegaankaas.

 

 

Wareegtadan ayaa waxey ku soo aadey xili ay masuuliyiinta ugu sareysa maamul goboleedka Puntland ay kuwada sugan yihiin magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

 

 

C/Qani Xasan Dhagjar

 

 

Puntlandonline Boosaaso

 

 

Binuxasan90@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Don't you think that this action which interprates out of the adminstration's decree to take over the control of this part might lead to an armed conflict since this area was the center of the dispute not long ago. I was reading this article from Laasqoray.net, it sheds more light on the expansionist policy of Puntland in taking over areas traditionally belonging to the clans that settle there in total disregard of their concerns and positions.

 

Digniin Falka Dowlada Puntland waxa uu horseedayaa Dagaal.

 

 

Boosaaso(LaasqorayNET exclusive)-Dowlad Goboleedka la fara maroojistey ee Puntland ayaa maanta qaraar kasoo saartey dhul daaqsimeedka ku aadan Galbeedka Degmada Boosaaso, wareegtadan ayaa ku cad in lala wareego dhul daaqsimeedka buuraha Galbeed ilaa iyo xeebta oo reer guuraaga Beesha Dubays ku dhaqan tahay.

 

Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland sumaddeeduna ahayd MW/DPS/45/2007, kuna taariikhaysneyd 13/02/2007, ayaa lagu go'aamiyey in dhulkaas bannaan ee u dhexeeya Garoonka Diyaaradaha ilaa iyo Jaanka Qaw oo ay ku jirto Buuraha daanta Galbeed ee Boosaaso ilaa iyo Xeebta oo ay ku taalo wadada aada Ceelaayo iyo Qaw ay dawladdu "dan guud ula wareegtey".

 

Wareegtadan oo xalaaleyneysa boobka lagu hayo dhulka beesha Dubays ee Galbeedka Boosaaso ayaa waxay horseedi kartaa Majayahan kale maadaama dhulkaasi aysan xaq u lahayn iney Dowlad aan loo dhameyn ay qaadato.

 

Deegaanka Galbeedka Boosaaso ilaa iyo gegeda diyaaradaha ayaa waxaa ku daadsan reer guuraaga beesha Dubays iyo beelo kale oo la deg deegaankaas sida Gaashaanbuurta.

Wareegtadan ayaa waxaa durba ay shaki gelisey odayaal dhaqmeedka oo qaar ka mid ah ay la xiriirtey LaasqorayNET ayaa canbaareeyey wareegtadan oo sheegey iney ka hortegi doonaan xitaa hadii ay noqoto dagaal.

 

Magaalada Boosaaso ayaa ah xarun ay ku bahoobeen beelo badan oo ku abtirsada beesha ***** inkastoo Magaalada loo nisbeeyo magaalo ay leedahay beel qura.

 

Boosaaso ayaa waayadii danbe fidey oo baaxadeed sadex jibaarantey, maamulka hada ka taliya Dowlad goboleedkii loo aasaasey wax wadaag ayaa waxa uu ku dhaqaaqey sidii uu Golaha deegaanka Boosaaso uga fara maroojin lahaa Beesha Warsangeli oo qeybtii ay ku lahaan jirtey hoos loo dhimey xaga beesha Cali Saleebaan iyo Cismaan Maxamuud kor loo qaadey.

 

Caaqil ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey iney jirto dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo looga hortegi doono dhulka ay dooneyso in Dowladu la wareegto isagoo intaa noo raaciyey in arinku uusan ahayn dhul dan guud ee la wado in labara kiciyo reer guuraaga beelaha dega hareeraha Boosaaso oo lagu beero beelo kale.

 

Tan iyo bur burkii Dowladii dhexe ayaa xuduudka beesha Warsangeli ee Bari isa soo dhimayey iyadoo ay jiraa deegaano badan oo laga barakiciyey beesha.

 

Talaabadan ay ku dhaqaaqday Dowlada Puntland ayaa horseedi karta dhaq dhaqaaq colaadeed oo dib uga dhex cusboonaada beelaha *****yeed iyadoo maamulku uu masuul ka noqon doono wixii khasaare ah oo ka dhasha arinkan

Maamulka Cade Muuse ayaa hore uga baaraan degey qodidii Macdanta inkastoo hada markuu kasoo noqday Dubai uu carabka ku dhiftey in macdan baaristii ay dib u bilaaban doonto taasina ay dhalisey shaki cusub oo laga qabo maamulkan uu horjooge u yahay Cade Muuse.

 

Ha moogan faalo dheer oo dhowaan laga soo saari doono falkan cusub ee uu ku kacay maamulka Cade Muuse.

 

 

Xasan Cabdi, LaasqorayNET/ Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this