Sign in to follow this  
Jumatatu

“Cumar Xaashi meesha uu joogo ayaan ku soo weerarayaa, hadduu rag yahay ha igu sugo

Recommended Posts

Jumatatu   

Max’ed dheere “Cumar Xaashi meesha uu joogo ayaan ku soo weerarayaa, ee hadduu rag yahay ha igu sugo Muqdisho

 

 

Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed dheere) oo xalay u waramayey Idaacadda Banaadir ayaa wuxuu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee gobolka Sh/dhexe ay tahay mid aad u wanaagsan, ayna maleeshiyooyinkiisu ku raad joogaan nin gacan ku dhiigle ah oo dhowaan tuulada Miirtuugo ku dilay guddoomiyihii tuuladaasi, wuxuuna xusay in ninka dilkaasi geystay uu ku dhuumaaleysanayo halka lagu magacaabo Gumad.

 

Max’ed dheere wuxuu sheegay in Jowhar ay soo gaareen ciidamadii Qaranka, isagoo tilmaamay in ciidamadaasi ay isugu jiraan 1200 oo ka yimid Puntland 800 oo Hiiraan ah, 400 oo Galguduud ka timid iyo 2000 oo uu sheegay in uu gobolkiisu diyaarinayo.

 

 

“Ma ahan arrin sahlan in la soo weeraro Jowhar, warka uu yiri Cumar Xaashina waxaa laga doonayaa in uu meel saaro, waana lala xisaabtamayaa ninkaasi oo meeshiisa ayaan ku soo weerareynaa ee hadduu uu rag yahay ha i sugo†ayuu yiri Max’ed dheere oo gaashaanka ku dhuftay in Muqdisho ay joogaan xubno ka tirsan labada gole, wuxuuna tilmaamay in xubnaha Xamar jooga ay yihiin shaqsiyaad haysta baasaboor ajnebi ah.

 

“Kuwa Xamar ka qeylinaya tallaabo adag ayaan ka qaadi doonaa, dadka Soomaaliyeedna waxaan leenahay muddo gaaban suga waa la idinka qabanayaa kuwa xoogga idinku haystee†ayuu yiri Max’ed dheere oo sheegay in aysan jirin xubno dowladda federaalka ka tirsan oo Muqdisho jooga.

 

Mar uu ka hadlayey ka bixitaankii Jowhar ee hay’adaha samafalka waxa uu sheegay in maamulka gobolka & madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay wada ogaayeen arrintaasi, isla markaana hay’adahan looga yeeray magaalada New York, sida uu yiri.

 

 

“4 nin oo boolis ah oo amniga sugta ayaan geynay xarunta UNICEF, xil ayaana naga saaran oo heshiis baa sidaa ku gaarnay mas’uuliyiinta hay’adaasi†ayuu yiri Max’ed dheere, mar uu ka jawabay xariga Jaamca Dheere wuxuuna yiri in ay qabteen askari ciyaala suuq ah ay maamulkiisu qabteen, kadibna ay xireen, siina daayeen markii dambe.

 

Max’ed dheere wuxuu kaloo sheegay in uu ku hadli karo afka dowladda federaalka, isla markaana gobolka Sh/dhexe uu yahay gobol federaal ah oo nidaamkiisu la mid yahay kan Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this