Sign in to follow this  
Land_Soldier

New Director of the Somaliland Road Authority appointed

Recommended Posts

The new director of the Somaliland Road Authority is from the ********clan.

 

See how divers our country is.

 

I hope he improves some of the roads. And the roads to Dilla, Erivago and Badhan finnally get finished.

 

 

Maareeyaha Cusub Ee Hay’ada Wadooyinka Oo Maanta Xilkii Si Rasmi Ah Ugala Wareegay Maareeyihii Hore

 

(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010

 

Hargeysa (HWN) Maareeyihii hore ee hay’ada wadooyinka Somaliland Maxamed C/laahi Faahiye ayaa maanta si rasmi xilkii ugu wareejiyay Mareeyaha cusub ee Ha’yadaas C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

 

 

 

Xaflada ay labada masuul xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta hay’ada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Ganacsiga.

 

 

 

Ugu horeyn wasiirka wasaarada Maaliyada oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Si guud haddii aan uga hadlo mashaariicda hada inoo socota, dariiqyadu waa laf dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, magaalada Ceergaabo waxa inaga xidhay dariiqaa aan dhisnayn, ganacsigooduna badanaa waxa uu xidhiidh la leeyahay Somalia, haddii loo guntadana waa dariiq samayntiisa la dhamayn karo, gobolkaasina intii loo hiloobayayba wuu leeyahay, markaa maanta waxa inaga gooyay waxa weeyaan dariiqaas aan samaynayn” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi.

 

 

 

Wasiirka maalyada ayaa dhinaca kale cadeeyay in waxa keliya ee lagu horumarin karo dalkeena waliba dekedu ay tahay iyada oo dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aanay lahayn deked loo sameeyo dariiqyo badan, kuwaas oo sahli karaya in uu ganacsi xoog lehi ina dhex maro

 

“Ethiopia waa meesha aynu ku taamayno in ay dekedeenaa berbera ay isu furnaadaan, dekedeenana aynu horumaru marino waayo iyagu bad xidhan bay ku jiraan, hadaba waxa lagu gaadhi karo dariiqyada ayaa ka mid ah”

 

 

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada dawlada lagu daro doono hay’adan wixii suurtogal ah “Waxa uu soo jeediyay maareeyaha cusub in hay’adan Miisaaniyada dalka wax loogu daro, anigu waan qabaa in wax loogu daro, wixii suurtogal ahna waxa la inooga baahan yahay in aynu xisaabta ku darsano, waayo waxa ay soo saarayaan ayaa ka badan waxa la siinayo, waxa aynu u baahanahay in aynu qalabkii lagaga shaqayn lahaa dariiqyada yeelano oo soo iibsano” ayuu yidhi

 

 

 

Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Mud. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu marka hore soo dhaweynayo Mareeyaha cusub ee Hay’ada wadooyinkii, isla markaana u ducaynayo in uu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu tunka u ritay kii hore ugu hambalyaynayo mudadii uu xilka hayay wixii uu soo qabtay “Anigu Cabdi Waaxidoow kuu hambalyaynmaayo ee waan kuu ducaynayaa, waayo hawsha ku hortaalaa way ii muuqataa, anaguna waxa aanu ku jirna guddida hawsha kugula jirta, waxa aad waliba ku sii nasiib badan tahay weelkii lacagtu ku jirtay ayaa guddida lagu darayoo waxba waayi maysid.

 

 

 

Waliba waxa aan kaaga sii farxinayaa waa nin (Wasiirka Maaliyada) hadal gaaban oo hore waxba ugama soo dhacaan, laakiin maanta waxa ka soo dhacday lacag badan, markaa waxa aan kuu rajaynayaa in uu ilaahay kugu garab galo hawsha balaadhan ee aad tunka u ridatay.

 

 

 

Kaabayasha dhaqaalaha ee ugu waaweyn weeyaan waayo ninkii beer lihi haddii aanu haysan meel uu soo mariyo wixii uu beertiisa ka soo goostay beertii way xanibmaysaa” ayuu yidhi wasiirka wasaarada arrimahag gudaha Somaliland.

 

 

 

Waxa isna gabogabadii xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu wasiirka wasaarada maaliyada ka codsaday in cashuurta laga qaado gaadiidka lagu shubo hay’ada wadooyinka si buu yidhi wax looga qabto baahiyaha dhinaca jidadka.

 

 

 

Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in wasaarada loo dhiibay ee hawlaha guud ay tahay mid naafo ah oo aanay hada gacanta ugu jirin gaadiidkii iyo hantidii ma guurtada ahayd.

 

 

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in isha keliya ee ilaa hada u dhaqdhaqaaqaysa wasaaradiisu ay tahay hay’ada wadooyinka “Wasaaradayadani waa naafo, ilaa hadana waxa aan gacmaha ugu jirin dhulkii iyo gaadiidkii, laakiin meesha keliya ee noo dhaqdhaqaaysaa waa ha’ada wadooyinka, waxaanan codsan lahaa lacagta laga qaado gaadiidka si toos ah ugu soo dhacdo hay’adan si wax looga qabto wadooyinka” ayuu yidhi wasiirka wasaarada hawlaha guud.

 

 

 

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay maariyihii hore oo sheegay in ay waxyaabo badan u soo qabsoomeen isla markaana uu la shaqayn doono maareeyaha cusub.

 

 

 

Maareeyaha cusub ayaa isna tilmaamay in uu inta karaankiisa ah wax ka qaban doono wadooyinka, waxaanu shaqaalaha kula dardaarmay in ay ula shaqeeyaan sidii fiicnayd ee ay u soo wada shaqeeyeen maariyihii hore.

 

 

 

Najax Aadan Cunaaye

 

Hadhwanaagnews/Office

 

Hargeysa/Somaliland

 

Najax@hadhwanaag.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland is a divers country with all kind of people from diffrent clans.

 

Eventhaught some people would like to see it dominated by one clan, its not. accept that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Jacaylbaro adigu ciidkasta miyaad iskala muranta kan landsoldier wa kumyuutar bina adan maha

Xaaji, JB, maxaa idin soo jeediyay waqtigan. murqaam weyn ayaad ku jirtiin saw maha. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this