Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya iyo UK oo gaaray iskaashi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
348906424_130453923336655_74905599323435

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda UK ayaa gaaray iskaashi cusub oo ku qotoma arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Iskaashiga cusub ayaa lagu gaaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinka xiriirka ay Boqortooyada Ingiriiska ay la leedahay dowladda federaalka, iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Wasiir Khadiijo Al-Makhzoumi ayaa qoraal ay kasoo saartay kulankaan ku sheegtay in iskaashigan cusub uu qeyb ka yahay dadaal ay dowladda ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa, si looga gun-gaarno hadafka wasaaradda ee Soomaaliya Cagaaran.

“Waxaan kulan la yeeshay safiirka dalka UK, Mudane  Michael Nithavrianakis, annaga oo ka wada-hadalnay xiriirka qotoda dheer ee labada dalka iyo sidii aan isaga kaashan lahayn arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo aan dadaal ugu jirno sidii wax looga qaban lahaa si aan uga gun-gaarno hadafkeenna ah SoomaaliyaCagaaran,” ayey ku tiri qoraalka Khadiijo Al-Makhzoumi.

Wasiir Al-Makhzoumi ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa shaqada Qaranka u igmaday, ayada oo dhawaana heshiis is-afgarad ah la saxiixatay dalka Finland, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya ka jawaabista arrimaha deegaanka yo Isbeddelka cimilada ee ka jira dalkeenna.

Heshiiskaaas ayaa waxa uu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida ay wasaaraddu diyaar ugu tahay iskaashi calami ah, si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada.

“Heshiiskaani wuxuu nooga dhigan yahay mid waxtar u leh wasaaradda iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaan ka shaqayn doonnaa heshiiskaan si loo dhaqangeliyo, loona gaaro yoolkiisa.”

348897899_2492842797536134_6754490830793

348859326_635827381772335_75634095955201

348906424_130453923336655_74905599323435

347225993_199514973019885_82251305405643

The post Sawirro: DF Soomaaliya iyo UK oo gaaray iskaashi cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this