Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Qurbajoogta Turkida oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii afaraad codadkooda ka dhiibanaya, iyadoo maalinta galinka dambe  lasoo gabagabeynayo, codeynta Qurbajoogta ayaa door ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiqda ayaa dalka dib loogu celin doonaa, si halkaas loogu tiriyo, xilli gudaha wareegga labaad loo dareerayo  28-ka.

Qurbajoogta ayaa ka codeeyay ilaa  167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, xilli guddiga doorashada sanaadiiqda ay ku tirin doonaan gudaha dalka marka ay keenaan, xisbiga AK Partty ayaa la sheegayaa inuu taageero xooggan ka heysto Qurbajoogta, marka laga reebo kuwa ku nool Mareykanka iyo dalka Canada.

Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga oo loo dareerayo asbuuca soo aadan ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Muvement Partty, kaas oo heysta tiro aan badneyn.

Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo aasaasay Jamhuuriga.

Doorashadaayaa waxaa wareegga labaad la saadaalinayaa ay macquul tahay in lagu kala baxo, kadib midowga AK Partty iyo National Muvement Partty ooo madaxtoodu ay ku kulantay magaalada Ankara, xilligaas Sinan Ogen uu taageero u muujiyay xisbiga uu hoggaaminayo madaxweyne Egdogan, taas ayaa keenaysa inaan 3-aad la aadin.

Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa muddada Qarnigaasa  ku tallaabsaday hormarro dhinac waliba ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this