Sign in to follow this  
xiinfaniin

Faroole on PL security, Buro-Wadal conference and more

Recommended Posts

Dubai(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed oo hada ku sugan dalka Isku taga Imaaraatka Carabta, gaar ahaana magaalada Dubai, ayaa ka warbixiyey xaalado kala gedisan oo dhamaantoodba ku wajahan xaaladaha deegaanada Puntland ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka hadlay arrimaha arrimaha amaanka ee Bari, Shirka Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo Shir usocday maalmihii ugu dambeeyey dawladdiisa iyo Odayaasha gobalka Sanaag bari ee Puntland,Socdaalkiisa Dibada iyo xaalado kale, wuxuuna dhamaantood uga hadlay mawqifka dawladdiisa.

 

Xaaladaha Amaanka.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in uu wax badan kala socda xaajada amaanka ee Puntland, isagoo tibaaxay in ay talaabo cad ka qaadi doonaan cid kasta oo lugu helo dambiyada ku wajahan xaaladaha amaanka.

 

Dr, C/rixmaan wuxuu tilmaamay in la helay shaqsiyaad uu sheegay in ay dambiyo ka galeen Puntland, kuwaas oo uu hada sheegay in ay laamaha amaanka iyo Maxkamaduhu go’aan ka gaareen oo ay xukumeen, isagoo ku baaqay fulinta go’aankii Maxkamadaha ka soo baxay.

 

“ Cid kasta oo aan ku tuhuno amaan la’aan waa la qabanayaa, waana la baarayaa, ka dibna sharciga ayaa la horgeynayaa uma-maleynayo in aan weyn doono cid kasta oo ka soo horjeeda amaanka Puntland, dadkana waxaan ugu baqayaa in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka” Ayuu yiri Faroole, markii uu ka hadlayay amaanka Puntland iyo dilalkii Masuuliyiin kala gedisan.

 

Shirkii Galgala.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu soo qaaday shirkii todobaadkan horaantiisii ku burburay Galgala, inkastoo uu sheegay Madaxweynuhu in aysan wali ka war dhowrayaan Odayaasha beelaha, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan marnaba laga maarmin.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan mudo ka qabeen, in ay Odayaasha beeluhu wax badan ka qabtaan xaaladahaas, isagoo sheegay in ay dawladdiisu la socoto dadka dhulka buuraleyda ah ku dhuumaaleysanaya, doonaya in ay amaan daro sameeyaan, kuwaas oo uu sheegay in ay Odayaasha udireen, hadii ay ka nabad waayeene dhinac loo baahan yahay in ay iska mariyaan.

 

“ Odayaal ayaan udirnay Sanaag bari, waxaana usheegnay in ay la hadlaan dadka buuraha isku aruursanaya, ee doonaya amaan la’aanta Puntland, weyna la hadleen, Odayaashaas ayaan ka war dhowraynaa, hadii ay diidaan nabadgalyada iyo wada hadalka, talaabo cad ayaan ka qaadaynaa, anaga iyo ayaga waan ishelaynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, markii uu hadlayay xaaladahaasi.

 

Shirka Buura-Wadal.

 

Faroole ayaa soo qaaday shirka Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn uga socda deegaanka Buura-Wadal, ee ay uga tashanayaan xaaladaha magaalada Laascaanood, oo ay hada heystaan ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.

 

“ Marnaba kama tagayno talada Isimada, waxaana lama huraan ah in aan qaadano talada Isimada, Garaad Jaamac wan is aragnay, oo wada hadalnay, qodobada ka soo baxaya shirka Buura-wadalna dawladu wey taageersan tahay” Ayuu yiri C/rixmaan markii uu ka hadlayay xaalada Shirka Buula-Wadal.

 

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay la socdaan shirkaas, dawladdiisuna ay ladhacsan tahay go’aan kasta oo ay soo saaraan Isimadaasi, isagoo sheegay in ay horay isku soo arkeen Garaad Jaamac Garaad Cali, garaadka guud ee shirka hogaaminaya, wuxuuna tibaaxay in ay dawladda Puntland qaadan doonto go’aan kasta oo ay maanta gaaraan Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Socdaalkiisa.

 

Madaxweynaha Puntland oo socdaal dheer ku jiray bishii ugu dambeysa, wuxuu sheegay in ay sii wadan doonaan socdaalkooda isaga iyo Wafdigiisu, wuxuuna sheegay in ay la kulmeen mudadii ay socdeen Hogaamiyaal badan, oo ay kala hadlayaan xaalado badan oo kala gedisan.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland qodobada uu sheegay in ay kala hadleen dhinacyada ay kulmeen oo dhan, waxaa ka mid ahaa Iskaashiga Puntland iyo cidkasta oo ay la kuleem iyo arrimaha Soomaaliya, oo uu sheegay in uu socdaalkiisa qeyb wanaagsan ka tahay.

 

Madaxweynuhu wuxuu tibaaxay in uu sii wadan doono booqashadiisa, isla markaasna uu gaari doono dalal badan oo ka mid ah Khaliijka Carabta iyo dalal kale oo uu ka gaabsaday in uu sheego, wuxuuna cadeeyey in ay raadiyaan xiriirka dibada oo laga dhiso Puntland iyo Mashaariic horumarineed.

 

Baaq.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed oo dhan in ay dagaalada ka hortagaan,isagoo sheegay in Shacabka Puntland si gaar ah loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada, wuxuuna sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo looga soo horjeedo Puntland, kuwaas oo uu sheegay in looga bixi karo nabadgalyada oo laga shaqeeyo.

 

F. C. Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
“ Marnaba kama tagayno talada Isimada, waxaana lama huraan ah in aan qaadano talada Isimada, Garaad Jaamac wan is aragnay, oo wada hadalnay, qodobada ka soo baxaya shirka Buura-wadalna dawladu wey taageersan tahay” Ayuu yiri C/rixmaan markii uu ka hadlayay xaalada Shirka Buula-Wadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this