Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo olole ka samaynaya Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan booqdo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filayaa in uu Gaalkacyo ka sameeyo ololaha urur siyaasadeedkiisa Kaah ee doorashooyinka golayaasha degaanka.

Dhinaca kale siyaasi Asad Diyaano ayaa isna Todobaadkan ku wajahan Gaalkacyo halkaas oo uu ka sameynayo ololaha doorashada golayaasha degaanka ee urur siyaasadeedka Mideeye.

Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo si weyn isaga horjeeda dhanka siyaasadda ayaa mid kasta raadinaya in ururkisu uu codad ka helo Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug si uu ugu soo baxo doorashooyinka dowladaha hoose.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo olole ka samaynaya Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this