Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar:Italian government gives $2.5 million to TFG

Recommended Posts

Dawlada Talyaaniga Oo Ugu Deeqday DFKMG Ee Somalia Lacag Dhan Laba Milyan Iyo Bar Doolarka Mareeykanka Ah

 

 

Dawlada_Talyaaniga_Deeqday.jpg

 

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah arimaha soomaaliya ugu qaabilsan dowlada Talyaaniga Danjire Mario Ravelli ayaa maanta dfkmg ah ee Somalia gacanta u galiyey lacag gaaraysa 2.516.493 milyan oo doolar ( laba milyan iyo bar doolar).

 

Dawlada_Talyaaniga_Deeqday1.jpg

 

Kala wareejinta lacagahaani ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay Mr. Ravelli iyo wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Prof. C/risaaq Cismaan Xasan Jurile.

 

Hadaba Prof. Jurile ayaa saxaafada horteeda kula wareegay dukumentiga lacagahaani ku qoran yihiin oo waliba saxiixay inuu la wareegay waxaana uu yiri lacagahaani waxaa ay dowlada talyaaniga ugu talo gashay in lagu dhiso maamulada gobolada iyo degmooyinka qaar ka tirsan dalka Somalia oo aan haaysan maamul goboleedyo.

 

Dawlada_Talyaaniga_Deeqday2.jpg

 

Waxaana uu carabka ku dhuftay in goboladaasi qaarkood in dib u heshiin laga sameeyo ka dibna maamul lagu dhiso waxana ka mid ah Mudug qaybta koonfureed Hiiraan Banaadir, Bay, Sh/Hoose jubooyinka iyo meelo kale.

 

Dawlada_Talyaaniga_Deeqday3.jpg

 

Dukumentiyada qarashkaani lagu bixiyey ayaa waxaa uu isna ku wareejiyey waa Prof. Jurille e’ wasiirka maaliyada Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliyadaha Md. Shiikh Aaden Madeer.

 

Wakiilka dalka talyaaniga ee arimaha Somalia Mr. Mario Ravelli ayaa isna shegay in lacagahaani ay u bixiyeen in ay Somalia ku taageeraan dhanka dib uheshiisiinta iyo maamul u sameeynta gobolada dalka oo aan maamulada ka jirin iyadoo ay la maamuli doonto hay’ada UNDP buu yiri wakiilku.

 

Wafdigaani ayaa isla maantaba dib ugu laabanaya dalka Kenya iyagoo balan qaaday inay tahay tani tii ugu horeeysay balse ay mar kale soo gaarsiin doonaan sidii ay dowlada lugaheeda isula taagi lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this