Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Serbia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681455671310.jpg?resize=721%2C48

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo muddo afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Serbia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this