Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal nooca Qaaradaha isaga gudba ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18 ,kaas oo awood u leh in uu iskaga kala goosho qaarad ka qaarad.

Subaxnimadii maanta Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalkaan oo lagu tilmaamay guul mucjiso ah.

Warbaahinta ayaa soo xigatay Kim isagoo leh Hwasong-18 ayaa si degdeg ah u horumarin doonta jawaabta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan tayeynta iyo horumarinta hubka  Nukliyeerka.

Tijaabada gantaalkaasi waxaa qeylo dhaan ka soo saaray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaas oo muddo kooban ku amray dadka deggan jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi inay isaga guuraan halkaasi.

PUNTLAND POST

The post Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal nooca Qaaradaha isaga gudba ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this