Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqayn lagu beegsaday kooxda Daacish oo ka dhacday buuraleyda Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqayn ka dhan ah maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari.

Duqaynta oo ahayd mid xooggan ayaa sida la xaqiijinayo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan argagixisada oo ku dhuumanayay godad ku yaalla buuraleyda Qandala.

Xogaha dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo kaashanaya sirdoonka Puntland uu fuliyay Hawlgalkaas.

Maraykanka iyo Puntland midna weli kama hadlin khasaaraha duqayntaas lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish.

PUNTLAND POST

The post Duqayn lagu beegsaday kooxda Daacish oo ka dhacday buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this