Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Dhaca Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe howlgallo ka waday gobollada dalka ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud  ee dowlad goboleed Galmudug.

Ciidanka ayaa howlgalkooda maanta waxaa ay  kula wareegeen  tuulooyinka Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud, haas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27aad ee ciidanka xoogga  Kornayl Saneey Cabdulle oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo Khawaarijtu ku laheed tuulooyinkaan.
Ciidamada ayaa sido kale la wareegay maanta deegaanka Cali Yabaa oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo dhowr sanaa ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Howlgalladaan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay dowladdu sheegtay in laga fulinaayo deegaanno ka tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this