Sign in to follow this  
Nomadic Activist

The army thats going to protect YEY, and why some kinsmen are mad.

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la sheegay in uu Kolonyo ciidamo ah oo aad u hubeysan uu la tegi doono Magaalada Jowhar

 

Sabti, July 09, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu deegaanada uu sida weyn ugu xoogan yahay ee Puntland uu kala tegay kolonyo ciidamo ah oo si weyn u hubeysan, kuwaasi oo uu ugu talagelayo in ay sugayaan ammaanka xubnaha dowladda Federaalka ee isaga taabacsan.

 

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganeysay saraakiil Soomaaliyeed oo magacooda qariyay oo warkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in madaxweynaha uu ciidamadaas oo ah kuwo maleeshiyo ah uu isaga difaaci doono haddiiba lagu soo qaado weeraro uga yimaada dhinaca hoggaamiyayaasha Muqdisho ee dowladdiisana ka tirsan.

 

Madaxweynaha oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu socod dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Jowhar, isagoo xiligaasina ay galbin doonaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo aad u fara badan, kuwaasi oo muddooyinkan lagu uruurinayay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, sida Madaxweynuhuba horay u sheegay.

 

Inkastoo wadada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Jowhar ay tahay mid aan dhibaato ku ahayn madaxweynaha in uu ku socdaalo bacdamaa ay ku nool yihiin Qabaa’illo taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, hadana waxaa la filan karaa sida AFP saadaalisay carqalado ku yimaada safarka dhinaca dhulka ee madaxweynaha, iyadoo carqaladahaasina ay fulinayaan dad ka amar qaata Hoggaamiyayaasha Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

-----------------------------------------

 

Saraakiil ka soo jeeda beesha ********** oo ku eedeeyey C/llaahi Yuusuf in hubkii dowladda Yeman ku deeqday uu ku wareejiyey saraakiil ay isku beel yihiin

Boosaaso

 

Saraakiil ka soo jeeda beesha ********** oo ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo & Garoowe sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo C/rashiid Ceydiid, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu ku wareejiyey hubkii dowladda Yeman ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya saraakiil ka soo jeeda beesha Max’uud Saleebaan, wuxuuna ku eedeeyey sarkaalkaasi madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu deegaanada Puntland ka abaabulayo xaalado dagaal abuur ah uuna weydiistay beelaha ku dhaqan gobolada Puntland ciidamo ka qeybqaata qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu guluf colaadeed ugu kiciyo gobolo ka tirsan K/Soomaaliya.

 

“Hubkan wuxuu gacanta ugu jiraa saraakiil ka tirsan beesha Max’ud Saleebaan oo ay ka mid yihiin Siciid dheere & Cawil dhiig sokeeye, waxeyna taasi muujineysaa in madaxweynuhu ku dhaqmayo hanaan ku dhisan beeleysi†ayuu yiri C/rashiid Ceydiid oo sheegay in uu yahay afhayeenka saraakiil ku sugan gobolo ka tirsan Puntland.Wuxuuna xusay in qeybaha ugu muhiimsan hubka laga keenay Yeman uu doonayo madaxweynuhu in uu ku wareejiyo beeshiisa.

 

“Hubka la keenay waxaa ugu badan qoriga BKM (Daba-jeex) & qoryaha Zuu & 36 waxaana uu madaxweynuhu ku hubeeyey maleeshiyooyinka laga soo uruuriyey beelaha Puntland†ayuu yiri C/rashiid Ceydiid, wuxuuna intaasi sii raaciyey in madaxweynuhu aanu weli hayn waddadii Qaranimada balse uu hayo waddadii qabiilka, sida uu hadalka u dhigay .

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)

 

diinicadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this