Sign in to follow this  
Major-General Cawad

President of Puntland arrives in Duesseldorf Airport Germany...

Recommended Posts

030805_cade_jarmalka.jpg

 

Madaxweynaha Puntland oo ka degay Airporka Dusseldorf (Jarmalka)

 

Dusseldorf:- Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka. 030805_cade_jarmalka2.jpg

 

Madaxweynaha oo safarkiisan la xariiro caafimaad iyo nasasho ayaa lagu wadaa inuu muddo todobaadyo ah joogo dalka Jarmalka.

 

Maxamuud Muse Xirsi (Gen.Cadde Musse) Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Puntland ayaa saaka kasoo kicitimay magaalada Dubai ee dalka Emaaraadka oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka Jarmalka soo gaaray saacadu markay ahayd 2:30 duhurnimo saacada Jarmalka, (3:30 saacada Afrika Bari).

 

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu joogo dalka Jarmalka uu kulamo la yeesho Jaaliyada Soomaalida gaar ahaa kuwa kasoo jeeda Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayey Airporka magaalada Dusseldorf kusoo dhaweeyeen dadweyne aad u badan oo ka kala yimid wado kamid ah Qaarada Yurub kuwaasi oo si diiran usoo dhaweeyey wafdiga uu hogaaminayey Madaxweynaha.

 

Caawa ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha qaabilo wafuud ka socota Jaaliyadaha reer Puntland ee kamid ahaa dadkii maanta kusoo dhaweeyey magaalada.

 

Sida ay sheegeen xubnaha kamid guddiga soo dhaweynta Madaxweynaha maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyaha Puntland la kulmo guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed.

 

Ahmed Cabdullahi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this