Sign in to follow this  
bambo

Abdulahi Yusuf and Abdi Qasim , keep the peace the most imporant Thing in somalia

Recommended Posts

bambo   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta kulan ku wada qaatay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Labada mas'uul ayaa kulanka ay yeesheen waxaa ay iskula soo qaadeen Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Ciidamo Nabad Ilaaliyaal ah oo ka socda Dalalka Afrika loogu diri lahaa Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.

 

 

 

Kulanka ay labada mas'uul wada qaateen oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda waxay labada mas'uulba u sheegeen saxaafadda in ay isku afgarteen waxyaabihii ay isla soo qaadeen oo ay ku sheegeen in ay ugu muhiimsaneyd xasilinta dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Labadan Mas'uul oo horay ugu tartamayay qabashada xilka Madaxweynenimada Soomaaliya markii uu socday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyay Magaalada Nairobi dabayaaqadii sanadkii 2004, isla markaana dhowr jeer oo hore qalabka Warbaabinta isu marsiiyay hadallo ay isku weerarayaan ayaa haatan waxay sheegayaan in ay isku aragti ka yihiin xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xalka loogu heli karo

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Muuse Suudi iyo qanyer oo ka qeybgaleen kulan Mudaneyaasha Baarlamaanka kmg loogu qeybiyey Sharciga xaalada degdega ee dalka Somalia lagu soo rogay ,

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ka sheegay Mgalaad Baydhabo inuu dhamaaday gabi ahaan dagaalkii Soomaaliya, balse aysan ewli dhammaan kala duwanaashaha siyaasadeen ee u dhexeysa Madaxda Dowalda iyo xubnaha aan ku fikirka ahayn.

 

"Waxaan caddeynayaa maanta inuu dhammaaday dagalakii Soomaaliya nooc walba oo uu yahay, balse aysan weli dhammaan kala duwanaashaha xagga fikirka ee u dhexeeya madaxda Dowladda iyo siyaasiyiinta kale" ayuu maanta ka

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

These are some positive steps that we have to Congratulat TFG For ,

 

 

Indeed its new era for somalia politics , far better then ideology we hold , its okey to have different views on things but keeping peace and stability in somalia should not be threaten again.

 

Qabile issue should never divide the our Future administrations again .

 

TFG must know call off the air strike and hold peace talks or give iuc members on amnsty for they are too somalis who were trying to bring ever lasting peace and stability to our nations .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this