Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1679999806256.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulanka dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Argagixisada iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, asigoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this