Sign in to follow this  
Jumatatu

Fact-finding Mission arrives in Xamar...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Guddigii xaqiiqa raadinta ahaa oo galabta casir gaabad-kii Muqdisho soo gaaray(Muuqaalka wefdiga markii ay soo degayeen)

 

Guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee kala socday African Union (EU), Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), League of Arab States (LAS) & Transitional Federal Government (TFG) ayaa galabta casir gaabadkii ka soo degay garoonka dayniile, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda federaalka & maamulka gobolka Banaadir.

Guddigan oo isugu jira saraakiil & khabiiro dhinaca milateriga ah ayaa tiradoodu aheyd 7 xubnood, halka ay ku jireen 5 xubnood oo Soomaali ah oo ku jiray Jen. Cusmaan Sheekh Badmaceeye, waxaamna la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeesheen waxgarad kala duwan oo reer Muqdisho ah, iyagoo kulamo gaar ahna la yeelanaya saraakiisha ciidamadda xoogga dalka oo ay ku booqan doonaan farriisimadooda iyaga oo markaasina ciidamadda ka dhageysan doona aragtidooda qorshaha ciidamadda nabad-ilaalinta ee ka socda dalalk IGAD, waxeyna Muqdisho joogayaan 10 cisho.

Wefdigan oo lagu soo dejiyey hotelka Saxafi International ee KM 4 ayaa la filayaa in kulamada ay la yeelanayaan waxgaradka Muqdisho ay berri sii guda galaan

Badmaceyey.gif

Badmaceye1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Dowladda Ererterea oo sheegtay in ay sii kordheyso dhibaatada ka jirta Somaliya hadii la geeyo ciidamo ka socda IGAD.

Asmara( Sh.M.Network ) xukuumadda ereterea ayaa waxa ay sheegtay in la tashi uu socdo oo la xiriira ciidamo IGAD oo loo diro dalka Soomaaliya oo ay ka jirto Fowdo.

 

Dowladda Ererterea aya la sheegay in ay taageersan tahay mashruuca hubka dhigista Soomaaliya balse aaney ula muuqan in dalal ka mid ah IGAD ay tagaan Soomaaliya oo sii holcin kara colaada halkaasi ka jirta.

 

Andayaab Jabar Maski oo ah isku duwaha arimaha Afrika iyo Asia ee wasaarada arimaha dibadda Ereterea ayaa shegay in ay aad u jecleysan lahaayeen in walaalahooda Soomaaliya ay hubka iska dhigaan, waxaana uu sheegay in uu rajo ka qabo in dowladda Ereterea ay dib uga laabato mowqifkeedii hore ee ay kaga hartay ciidamada IGAD ee Soomaaliya tagaya dhawaan.

 

Andayaab Jabar Maski waxaa uu sheegay inuu socdo la tashiyo la xiriira sidii loo cadeyn lahaa ujeedada Ererterea ay u tagikarto Soomaaliya hadiiba ay dhacdo in xukuumadda Erertyerea ay isku afgartaan arintaasi, waxaa uu xusay sidoo kale in madaxweynaha Ereterea Isayas Efawerki uu aad u jecel yahay dadka Soomaalida ah balse uu shaki ka muujiyay ciidamada tirada badan ee ka socda IGAD ay tagaan Soomaaliya ay dhici karto in ay hurin karaan colaado hor leh.

 

dowladda Ererterea ayaa sheegtay in ay aamin santahay in hadii Soomaaliya loo diro kuwo ka badalan kuwo ka imaanaya dalalka dariska la ah Soomaaliya ay suurto gali karto in maleeshiyooyink hubeysan ay hubka dhigaan.

 

wasaaradda arimaha dibadda Ereterea oo war ka soo saari doonta kaalinta kaga aadan arimaha Soomaaliya ayaa la shaacin doonaa dabayaaqada todobaadkan sida ay shaaciyeen mas'uuliyiinta wasaaradaasi oo ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan war hore oo ay xukuumadda Ererterea shaacisay in ay dib uga laabteen iyo in kale.

 

warka ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa in xukuumadda Erererea ay ka walaacsan tahay xaaladda amaan ee ka sii dartay magaalada muqdisho iyo goobo kale oo dalka Soomaaliya ka tirsan.

 

Shabelle Media Network, Eretrea

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Maamulka Puntland oo sheegay in hadii loo baahdo ay ciidamo ku biirinayaan ciidamada dalalka safka hore ee ku soo wajahan Soomaaliya

Mudug( Sh.M.Network ) madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta war saxaafadeed uu soo saaray ku taageeray ciidamada la doonayo in la keeno Soomaaliya hadii loo baahdana ciidamo ay ku biirinayaan maamul goboleedka Puntland ciidamada dalallka safka hore ee ku soo jeeda Soomaaliya kaasi oo ka dhigeysa in maamul goboleedka Puntland ay ka mid noqdeen dalalka safka hore ee ciidamada u soo diraya Soomaaliya.

 

 

Read on

 

This has to be the best mockery of all..! What next ? That the seat of Parliament will be in Garowe?

36_2_35.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this