Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Rooboow vs Ahlusunna

Recommended Posts

Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Rooboow

Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomoow.

Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Rooboow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan.

“Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomoow.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.”

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Rooboow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda.

Dooda u weyn ee Sheekh Soomoow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay.

Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan.

Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this