Sign in to follow this  
juma-nne

Udub Welcomed with a Shoe Show In Hargeysa

Recommended Posts

juma-nne   

Dadweyne mucaaradad kala hortagay Wefti uu horkacayay Xoghayaha guud ee UDUB

February 18th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbigaas Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) oo maanta ku soo laabtay Hargeysa, ka dib markii ay socdaal ku soo mareen gobollada dalka qaarkood, ayaa weji-gabax kala kulmay xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.

 

 

Xoghayaha guud JJaamac Yaasiin iyo Madaxa Ololaha UDUB oo dhawaanahanba socdaal ku marayay qaar ak mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan bariga, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, kuwaas oo inkasta oo dadweyne iyo Gaadiid kale isugu soo baxeen soo-dhawayntooda, haddana waxay mucaaradad iyo weedho ka dhan ah kala kulmen qaar ak mid ah Xaafadaha magaalada Hargeysa.

 

Weftiga Jaamac Yaasiin oo lagaga hortegay Tuulada Halleeya ee bariga Hargeysa, ayaa markii uu soo galay geesta bari ee magaalada waxa uu la kulmay dadweyne tiro badan oo ka horjeeda Siyaasaddooda, isla markaana kula kacay weedho ka dhan ah Ololahooda iyo guud ahaan siyaasaddoodaba. “Doonni mayno UDUB iyo siyaasaddeedaba, waa la nacay UDUB..” iyo ereyo la mid ah ayay dadweynuhu kala hortageen Xisbigaas.

 

Soo-dhawaynta Weftigan Xoghayaha guud ee UDUB ayaa waxa hadheeyay kelmadaha iyo dhawaaqa lagaga horjeedo Siyaasaddooda iyo guud ahaan Xisbigaas, waxaanay dadweynuhu kor u hayeen Kabahooda.

 

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadweynihii isugu soo baxay badhtamaha magaalada Hargeysa gubay Calanka UDUB, waxaanay halkaa kaga dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayaan siday uga horjeedaan Xisbigaas.

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

 

wararkasomaliland@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^^ and this is the same hadhanaagnews you are talking about lol.

 

Waftigii xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey iyo Muuqaalkii soo dhaweynta.Warbixin

 

 

Hargeysa(HWN):- Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo wafti uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, isla markaana kumanaan qof oo ka tirsan taageerayaasha iyo masuuliyiinta heer Gobol ilaa degmo ee Hargeysa ayaa ka qaygalay soo dhawaynta Xoghayaha guud oo ka soo laabtay safar shaqo oo uu muddo bil iyo dheeraad ah ku marayay Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Jidka ayaa waxa xidhay oo hareero tubnaa dad kor u dhaafayay kumanaan kuwaas oo weedho ka dhan ah xisbiga UDUB ku dhawaaqayey. Xalay ayay ahayd markii uu guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga UDUB Cismaan Waxar uu ogaysiis ka bixiyay telefishanka qaranka sida loo soo dhaweynayo guddoomiyaha isaga oo degmo degmo u kala qaybiyay shanta degmo ee ay magaalada Hargeysa ka kooban tahay.

 

 

Jidka wadnaha ayaa waxa joogay Ciidamo ku labisnaa dirayska ciidanka booliska, kuwaas oo u darbanaa ilaalinta nabada. waxaana nabadgalyo ahaan loo xidhay waddada dheer ee horumarta Qasriga Madaxtooyada.

 

Si kastaba ha ahaatee soo dhaweynta xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo ay ka soo qayb galeen dad tiro badani ayaa madasha ka dareeray iyaga oo su’aalo door ah iska weydiinaya socdaalka xogahayaha iyo waftigiisa, maadaamoo aan hore sidan oo kale mar qudha loogu soo dhawayn Xoghaye UDUB Jaamac Yaasiin Faarax muddadii uu xilka Xoghaye-nimada qabtay sannadkii aynu ka soo gudubnay.

 

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagenews

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^ dude they are anti sland gov they also sometimes step from the line and attack somaliland itself and what it stands for so if thats not anti somaliland then i don't know what it is , take it for a example they made a rumour about the government not paying for the money lagu so qaadi laha maydkii marxuumkii Fagadhii and it was proven to be alie and made by somaliland.org and non other , the difference is somaliland.org is not really neutral website but the mouthpiece of siilaanyo's extreme supporters that will even go far as making lies about dead people to further their agenda.

 

 

in Conclusion Somaliland.org is one of the worst websites when it comes to reliability and sources.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by xiinfaniin:

^^yout logic suggests even Siilaanyo is anti somaliland
:D

sxb this isn't about Siilaanyo but rather the website somaliland.org.

 

In Conclusion Somaliland.org is one of the worst websites when it comes to reliability and sources in somaliland , it will never match up to websites good reputation such as Geeska, Hadhwanaagnews, Ramaasnews, Oodweyenews and all other neutral websites who don't make up things to confuse the people of sland.

 

 

so in conclusion somaliland.org is like garoweonline. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ dude i am usually neutral when it comes to websites laakinse go ask any neutral somalilander they will tell you all about somaliland.org it's the waagacusub of somaliland. :D

 

 

so unless you take wagaacusub serious then wa siida oo kale. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this