Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moooryaan dhar ciidan dad ku dilaayo

Recommended Posts

In the recent several months and weeks, it is almost daily occurrence dad lagu sheego 'ciidamo' si bareer ah u dilaayo shacabka, mostly bajaajleyda iyo darawalada kale ka shaqeysto Xamar. Yesterday, there two more incidents on different locations. Suu Xasan Socdaal meesha u yimid, dhibkaan ayaa laba jibaartay because ciidamadii awalba moooryaan u badnaa mushaarka laga goostay, jaadkiina loo fasaxay.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another day, another dil by moooryaan dhar ciidan ku labisan:

Ciidamo ka tirsan DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho iyo caro ka dhalatay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade mooto bajaajle.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wadada marayay, kadibna iska dhaqaaqay.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa.

Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan aaa ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne.

Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.

Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha.

Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

What in the world is going in Mogadishu?

Walee if not solved,  kacdoon like  Laas Caanood is coming up

4 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Tacsi taalo tacsi kale loogu daray. Alloow u raxmo.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.