Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu booqdo degmada Caluula

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676358698009.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo magaalada Caluula sida wararku sheegayaan.

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa sida la xaqiijinayo safar ku tegi doona magaalada xeebeedda Caluula ee Gacanka Gardafuu.

Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii u horreeyay ee Siciid Deni Caluula ku tego tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 January 2019.

Waxa la sheegaya in uu u kuur-galayo xaaladda bulsho iyo baahiyaha ka jira degmada Caluula balse Madaxtooyadu weli kama warbixin safarkan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu booqdo degmada Caluula appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this