Deeq A. Posted February 14, 2023 Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa shalay lagu diley Imaamka Masaajid ku yaalla degmadaasi. Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku diley Imaamka Masaajidka Maqaamul Ibraahim AHUN Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud. Raggan ayaa la sheegay inay y ka baxsadeen goobta, ka hor intii ayna gaadhin ciidammada amniga. Maamulka Degmada Wadajir iyo Saraakiisha amniga ayaan weli ka hadlin dilka Sheekh Mukhtaar Cabdi loogu gaystay degmadaasi. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase uu imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay falalka dilka ku soo badanayeen magaalada Muqdisho. Source Share this post Link to post Share on other sites