Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo magacowday Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso: 08  February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Baahida loo qabo in loo  diyaar garoobo  dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood.

Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 7-kii Feb  2023 Dowladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda. 

Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah:

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
9.  Maxamed  Caydiid Jaamac  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
10.  Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
11.  Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
12.  Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
13. Cabdikaafi Axmed  Siciid Ganacsade Xubin.

DHAMMAAD

The post Puntland oo magacowday Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this