Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Officer Attacked, Injured in Lasanod

Recommended Posts

Laascanod (HWN) - Taliyihii Ciidanka CID-da ee Gobolka Sool, Cali Jaamac Aadan

ayaa dhaawacmay ka dib markii caawa dablay aan la aqoonsani rasaas ku fureen Taliyaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaadhay Lug waxaana loola carayay Cisbitaalka magaalada Laascaanood, sida sheegeen qaar ka mid ah qoyskiisa oo ku sugan magaaladaasi.

 

Illaa imika ma cadda cida falkan ka fulisay mana jirto cid ka tirsan maamulka gobolka Sool oo ka hadlay dhacdadan, hase yeeshee waxa la sheegay inay qeyb ka tahay falal kooxo abaabulan oo aan la aqoonsanayni ay ku bartilmaameedsadaan masuuliyiinta laamaha Ciidamada kala duwan ee gobolkaasi.

 

Waxa hore u jiray labadii sanadood ee la soo dhaafay illaa sadex sarkaal oo hore oo lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cidii ka dambaysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyada ee CID’da ee Gobolka Sool Cali Dhalaaye ayaa caawa niman Hubaysan oo aan ilaa hada la garanaynini Tacshiirad ku fureen waxaana la sheegay inuu dhaawac culusi soo gaadhay

 

Sidoo kale waxa uu warku intaa ku daray in nin kale oo Caaqil ah oo ag fadhiyay uu isna ku dhaawacmay falkaasi.

 

Ilaa hada war war ah oo faahfaahsan lagama hayo dhacdadaasi hase yeeshee waxa ay wararku sheegeen inay baxsadeen kooxdii falkaasi geysatay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this