Sign in to follow this  
Rokko

Waraysi: Gudoomiyaha Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Rokko   

Waraysi Puntlandpost la yeelatay gudoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Mahamud Siciid Nuur.

By Axmed C/salaam Posted to the web 15-01-2004, 14:26:59

 

Garoowe:- Waxaa ii suurta gashay in aan la kulmo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur isagoo safar shaqo ku jooga Garoowe.

Waraysigiina sidaan ayuu dhacay.

 

Puntlandpost: Md. waxaad nooga warantaa xaalada guud ee Gobolka?

 

Maxamuud: Walaahay markaan kaaga waramo xaalada Gobolka Sanaag waxaa mudadaan danbe ka jirtay abaar aad u daran taas oo saamaysay Dadka iyo Xoolahaba, Xooluhu haatan waa gabaabsi Sidda Geela, Ariga iyo dhamaan noocyada kala duwan ay ka koobanyihiin xooluhu,isla markaana ay sababto in dadkii uu cunto waayo dhaqaalo xumo ku dhacdo ayna timaado baahi wayn ayna is daryeeli waayaan qoysaskii miisaankooduna hoos u dhaco nafaqo daro owgeed.

 

Puntlandpost: Majiraan dad ay xoolihii ka dhamaadeen abaaraha dartood?

 

Maxamuud: Haa waa ay jiraan ilaa hada waxaa la diiwaangaliyay Dad dhan (15000) shan iyo tobon kun oo qoys oo isugu jira dad ay ka dhamaadeen xoolihii iyo dad maxaysato ahaa oo kunoolaa xoolaha miyiga.

 

Puntlandpost: Majiraan dad u dhintay abaartaan?

 

Maxamuud: Haa waa ay jiraan Dad u dhintay nafaqo daro aw-geed.

 

Puntlandpsot: Ma jiraan wax gar-gaar ah oo idin soo gaaray?

 

Maxamuud: Haa waa ay jirtaa hay'adda WFP Bossaaso ayaa qabandi iyo saliid u qaybisay Dad dhan (5170)Shan kun boqol iyo todobaatan qoys, sidoo kale waxaa iyana xaga biyaha kaalmo ka gaysatay Hay'adda Horn Releif oo iyadu si caadiya uga hawl gasha Gobolka.

 

Puntlandpost: Jaaliyaada dabeda ee reer Sanaag wax kaalmo ah oo idinka soo gaaray ma jirtaa?

 

Maxamuud: Maya majiraan wali wax kaalmo ah oo naga soo gaaray.

 

Puntlandpost: Maamulka Puntland wax caawimo ah ma ka gaystay?

 

Maxamuud: Haa waxa uu nasoo gaarsiiyay shidaal, kaas oo aan ugu biyo dhaaminay Dadka abaartu Sidda daran wax u yeelaysay.

 

Puntlandpost: Hada cid aad wax kaalmo ah ka filaysaan ma jirtaa?

 

Maxamuud: Haa walaal waxaan ka filaynaa Hay'addo badan, dadkuna waa ku rajo wayn yahay in ay nasoo gaarsiiyaan kaalmo.

 

Puntlandpost: Sidaad la socoto baryahaan danbe waxaa jiray muran xoog leh oo ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Somaliland kaa oo ku salaysan sheegashada Sool iyo Sanaag see Gobolka Sanaag u saameeyay murankaas oo u hor seedi kara colaad Gobolka?

 

Maxamuud: Walaahay hadda dagaal kama socdo Gobolka in kastoo Maamulka Riyaale intii ka danbaysay burburkii Dawladii Soomaliya uu waardiye ka'ahaa si aanay wax samafal ahi u gaarin Gobolka Sanaag hadoo caalamku ogaaday Gobolka ayuu wuxuu bilaabay Maamulka Riyaale ififaalo dagaal.

 

Puntlandpost: Maxay tahay Maamulka Riyaale nabad galyo xumida uu ka wado Gobolka Sanaag?

 

Maxamuud: Walaal hada majiro dagaal ka socda Gobolka laakiin waxaa muuqata jawi colaadeed taas oo laga dhagaystay idaacado caalami ah, isla markaana uu soo dhoobay ciidamo Maagalada Ceerigaabo duleedkeeda.

 

Puntlandpost: Majiraan wax ciidan S/land ah oo ku sugan Guddaha Gobolka Sanaag?

 

Maxamuud: Sidda la ogyahay Ceerigaabo Ciidan ayaa la keenay kaasoo ka soo duulay Hargaysa, hadana ay hor joogaan beelaha daga Ceerigaabo ku waasoo aan raali ka ahayn in uu Dagaal ka qarxo Gobolka, magarankaro sababta keentay in uu Riyaale dhibaato ka abuuro Gobolka iyadoo abaar ba'an ka jirtay afartii sano ee ugu danbaysay.

 

Puntlandpost: Majiraan dad u dhashay Gobolka oo hor kacaya ciidamada aad sheegayso?

 

Maxamuud: Maya walaal ma ay jiraan dad u dhashay Gobolka uu ku soo duulay.

 

Puntlandpost: Maxay tahay sababta keentay in ay haatan S/land ciidamo keento Gobolka?

 

Maxamuud: Walaahay Somaliland waxaa la oranjiray (british brotoctory) Hargaysa iyo Boorame oo uu Gumaysanjiray, Sool iyo Sanaag waxaa la oranjiray( Asutu Airia)anaga ingiriis nama gumaysan canshuuurna nagama qaadin anugu waxaan nahay dad soomaali ah oo reer Puntland ah isla markaana sugaya dawlad soomaaliyeed, walaalahayaga Hargaysa waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo daris wanaag dadkuna waa walaal waxaan marlabaad ka cod sanayaa in la ilaaliyo nabadgalyada Gobolka.

 

 

Axmed c/salaam

Puntlandpost,Garoowe,Soomaliya

http://www.puntlandpost.com/News.php?id=1445

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this