Sign in to follow this  
Maaddeey

Ilaalada Madaxtooyada oo mushaar la'aan la gadoodsan!.

Recommended Posts

Maaddeey   

Xiisad colaadeed ayaa maalintii 2-aad ka aloosan hareeraha Villa Somaliya waxaana foodda la geli la'yahay qaybo katirsan madaxtooyada oo ay liif saareen ciidan DKMG ah katirsan oo caraysan.

 

 

 

 

 

 

 

Maleeshiyaad katirsan Melleteriga DKMG ah ayaa xayiraad kusoo rogay qaybo katirsan dhismayaasha Villa Somaliya kadib markii ay ku dhaqaaqeen Gadood laxiriira Mushaar la'aan.

 

Wararka nagasoo gaaraya Villa Somaliya ayaa xaqiijinaya in xiisada colaadeed ay ka jiraan hareeraha madaxtooyada oo ay soo buux dhaafiyeen maleeshiyaad hubaysan kuwaasi oo rasaas ku furaya gaadiidka ay wataan saraakiisha DKMG ah ee Villa Somaliya gelaya iyo kuwa ka baxaya.

 

Tacshiirad ay shalay gelinkii dambe is dhaafsadeen Maleeshiyaad kawada tirsan DKMG ah ayaa sababtay dhimashada 3 Askari iyo dhaawaca tira kale waxaana saaka ilaa iyo xalay la dareemayaa xiisad kacsanaan ah.

 

Maleeshiyada DKMG ah ee Khal Khalka ku haysa Villa Somaliya waxay hoos yimaadaan Taliyaha Ciidanka Lugta DKMG ah G/lle Gacma dulle waxayna ciidamadani sheeganayaan lacag mushaaraad ah oo muddo 9 bilood ah ka maqan.

 

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Maleeshiyaadkani Khalalaasaha wado ay soo faarujiyeen difaacyo ay uga jireen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

DKMG ah ayaa boqolaal ciidan kusoo tababartay dalka dibadiisa balse markii Muqdisho la keenay ayay ciidankaasi suuqa lagaleen hubkoodi qaarkoodna waxay dhac ugaystaan goobaha ganacsiga ee ku yaal X/weyne iyo Waaberi

 

somalimemo.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Pro Dalxa oo xukuumada ugu baaqay inay biso mushaarka ciidanka dowladda.Muqdisho: (Sh.M.Network) gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya Pro. Max’ed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay xukuumada KMG Soomaaliya in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka dowladda KMG Soomaaliya.

 

Kadib markii shaley iridka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaana kuwa ilaalada ka ah xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa arintaas ka hadley qaar kamid ah xildhibaanada Barlamanka KMG.

 

Pro. Maxamed Cumar Dhalxa oo iminka ah xildhibaan ka tirsan Barlamanka Soomaaliya horeyna u ahaa gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay is rasaaseyntii shaley ilaalada xarunta madaxtooyada ku dhaxmartey iridka hore ee xarunta Madaxtooyadakuwaasi oo shaley la sheegey in ay ka gadoodsnaayeen mushaaraadkoodii oo aaney mudo helin.

 

Waxaa uu sheegey gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamanka KMG ee Soomaaliya Pro. Maxamed Cumar Dhalxa in mas’uuliyiinta Dowlada KMG ee Soomaaliya looga bahaanyahay in ay wax ka qabtaan cabashada ka soo yeereysa ciidamada islamarkaana ay siiso gunooyinkooda sida aaney mar danbe u dhicin israsaaseen ciidamada dhaxdooda ah.

 

Sidoo kale Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu ka hadley is rasaaseeynt marar qaar ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ku dhaxmarta gudaha magaalada Muqdisho taasina uu sheegey in ay keeneyso bur bur ku imaan kara Dowlada KMG, isagoo intaasi ku darey in mushaaraadka ciidamada loo bahaanyahay in ay bixiso xukuumada KMG ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale Pro. Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu soo hadal qaadey dacwadii uu dhawaan u gudbiyey maxkamada sare ee Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ku aadanneyn xilkii gudoomiye ku xigeenka 1 aad oo loo doortey xildhibaan katirsanaa barlamanka Soomaaliya taasi oo uu sheegey in ay mareyso heer gabagaba ah maxkamaduna dhawaan ay soo saareyso jawaab arintaasi ku wajahan.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Gadoodka ciidanka Madaxtooyada

 

 

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay gadood sameeyeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

 

Ciidamada, ayaa rasaas cirka u ridayay, iyagoo in muddo ah xannibay in madaxtooyada la galo ama laga soo baxo xilli uu madaxweynaha Soomaaliyana ku sugnaa gudaha xafiiskiisa, oo ku yaalla xarunta madxtooyada Soomaaliya.

 

Xiisadan, ayaa waxay jirtay dhawr saacadood, waxaase markii danbe soo dhexgalay oo arinta qaboojiyay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ilaallo xooggan ka haya madaxtooyada.

 

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Soomaalida ah, ayaa waxay dalbanayaan mushaharkooda, oo ay sheegeen in aan la siinin dhowr bilood.

http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/06/100619_gadood.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this