Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay federaaleynta, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Puntland ayaa ka hadlay federaaleynta, la dagaalanka Al-shabaab iyo diiwaangelinta lagu muransan yahay ee ka socota gobollada Bari.

Madaxweyne Deni ayaa hadal jeedintiisa kaga hadlay howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada, isagoo boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee laga gaaray la dagaalka Al-shabaab, wuxuuna hambalyo u diray dowladda Galmudug, ciidanka xoogga dalka iyo shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa iftiimiyey hannaanka dowladu u wajahday qodobadda dastuuriga ee ay Puntland ku diiday in ay saxiixdo heshiiskii Muqdisho, oo ay ugu horeyso guddiga loo saaray si ay u diyaariyaan wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka hadlay federaaleynta, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this