Sign in to follow this  
General Duke

warlord media turn on Tool Sharif and MP's in Mogadishu

Recommended Posts

The famous warlord media oulets, Waagacsub.com and Dayniile.com have lately started to ask questions about Sharif Xasan and his "wing" of MP's..... Interesting...

 

Shariif Xasan oo caro darteed buug iyo qalin u qaadanayo barashadda English-ka iyo jaaliyadaha oo qaaraan siiyay

 

Waagacusub News Online, Muqdisho

 

 

 

Hogaamiyaha garabka Muqdisho ee dowladda is khilaafsan Shariif Xasan Sh Aadan ayaa lagu wadaa inuu dhamaadka bishaan buug iyo qalin u qaato barashadda luqadda Ingiriiska kadib markii uu weji gabax kala kulmay shirkii gudoomiyaasha baarlamaanka aduunka ee New york uga qeeybgalay.

 

Gudoomiye Shariif Xasan ayaa la soo weriyay inuu jahawareer fara badan kala kulmay turjubaanadiisa taas oo dhalisay inuu ciil iyo caro ka qaado aqoondaradiisa .

 

Qaar ka tirsan gudoomiyaasha baarlamaanka ayay filan waa ku noqotay in gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya oo madax ka ah hay’ada sharcid dejinta aqoon waayo luqadda Ingiriiska oo %85 looga hadlo aduunka.

 

Wararku waxay sheegayaan in marka uu Shariif Xasan yimaado Muqdisho dalbaday in loo keeno sedex macalin baro English-ka.

 

Shariif Xasan waxaa lacago badan oo qaaraan ah siiyay Jaaliyadaha ku nool Mareykanka kuwa siyaasadiisa taabacsan si uu wax kaga qabto amaanka Muqdisho hasse ahaatee lama hubo qaabka uu lacagtaas u maamuli doono

 

 

 

Dahir Abdulle Alasow.

 

Mogadishu – Somalia

 

waagacusubonline@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka Reer Muqdisho oo golayaasha dowladda garabka Shariif Xasan ugu baaqay inay iska dhiibaan Jowha.

 

 

Waagacusub News Online, Muqdisho

 

Dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa garabka Shariif Xasan ee golayaasha dowladda ugu baaqay inay isu dhiibaan Xulufadda Jowhar ama qaadaan tilaabooyin la taaban karo oo ay wax uga qabanayaan amaanka Muqdisho sidoo kalena uga hortagayaan Xulufadda Itoobiyaanka ee ku soo qulquleeysa Jowhar.

 

Reer Muqdisho oo codbixintooda ay qaadayeen Idaacadaha Fm-yada ah ee ku yaal Xamar ayaa waxay sheegeen in xubnaha labadda gole ee Xamar waxqabadkooda uu ku soo koobmay Af iyo booto taas oo ugu dambeeyn sabab u noqotay in Maleeshiyadii kilinka shanaad ee Itoobiya iyo kuwa Puntland yimaadaan Jowhar iyagoo weerar ku ah Muqdisho,Baydhabo iyo kismaayo.

 

Shacabka Muqdisho ayaa farta ku fiiqay inaysan diyaar u ahayn dagaalo lagu hoobto oo ku dhexqabsado Muqdisho sidaas darteedna loo baahan yahay in golayaasha Muqdisho meesha ka saaraan bootadda aan ficilka xambaarsaneyn.

 

Codbixinta Reer Muqdisho ayaa muujineeyso sida ay u saluugsan yahiin waxqabad la’aanta Mas’uuliyiinta dowladda ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sh Adan.

 

 

 

Cabdi Waaxid Nuur Baadshaa.

 

Muqdisho Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo shir koodii markuu dhamaaday ku kala cararay

Muqdisho

 

 

Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo shir u fadhiyey modo ayaa markii uu dhamaaday leys lahaa in ay war ka soo saraan ayaa ku kala cararay halkas ayadoona la ogeyn sababta keentay kala cararkaasi .

 

Xubnaha labada gole ee Muqdisho ay horboodayaan hogaamiyasha hubeysan ayaanba horey looga baran in ay soo saraan wax dan u ah dalka iyo dadka oo aan ka aheyn in ay ayagu isximaan .

 

Kulanka maanta oo laga sugaayey Xubnaha labada gole ee Muqdisho in ay wax ka soo saraan 9 qodob ey maalmahaan ka shirayeen ayaan waxba ka soo sarin tasoo loo macneynay in ay jilaafo hoose ay isku wadaan Xubnaha labada gole ee Muqdisho ee gadoodka ka ah Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed

 

Shacabka tageersan Xubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa horeyba u ogaa in yasan soo sari karin xubnahaas wax waxtar u leh shacabka Soomaliyeed gar ahaan kuwa ku nool Muqdisho ay dilatay amaan xumida ayaa hadda moodaa in ay sii yaraneyso tageeradii loo hayey ayadoona dadku ay isweydiinayaan hadii ay markaan fakadaan hogaamiyaasha Muqdisho dibirdaabyada uu la damacsan yahay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa la aminsanyahay in aysan waligood aysan dhiman doonin sidaana uu dalka ugu sii qob qobnaan doono

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

C/llaahi Yuusuf oo codsaday in ciidamo si degdeg loogu xareeyo xarada Abqaale, ayna halkaa diyaar ku noqdaan ugu danbeyn 10-ka Oktoobar(Wasiir ka tirsan dowladda oo ka hadlay)

 

Muqdisho

 

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo dorraad galab soo gaaray magaalada Jowhar, farriin uu soo gaarsiiyey Issimada, saraakiisha & xubnaha labada gole dowladda federaalka ee ku sugan gobolada Puntland in uu ka codsaday in si degdeg looga soo uruuriyo ciidamo 5-ta gobol ee uu maamulka Puntland ka taliyo & Buuhoodle, wuxuuna xusay in ciidamadaasi ay diyaar ku noqdaan xerada Abqaale ugu danbeyn 10-ka Oktoobar.

 

Issimada & xubnaha labada gole ee uu la soo xiriiray madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Garaad Saleebaan, wasiirka kaluumeysiga & kheyraadka badda Xasan Abshir Faarax & Xildhibaan Aadan Max’ed Cali, waxaana xubnahaasi ay ku wargeliyeen saraakiisha maamul goboleedka Puntland & xubno ka tirsan baarlamaanka in ay guda galaan uruurinta ciidamadaasi oo aanan la garaneyn

 

Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta ee dowladda federaalka Cusmaan Xasan cali (Caato) ayaa isagoo ku sugan magaalaadan Muqdisho waxa uu sheegay in madaxweynuhu ku jiro abaabul & diyaar garow dagaal, isla markaana uu Jowhar ku uruurinayo ciidamo, kuwo kalena uu qorsheynayo in ay halkaasi soo gaaraan.

 

“Waxaan rajeynayaa in madaxweynuhu uu ka leexdo balantii uu qaaday hadda ka hor isagoo ku sugan Puntland oo intuu xabbad kor u qaaday yiri xabadaas ayaan Xamar ku tageynaaâ€ayuu yiri Cusmaan Caato oo sheegay in qab dhaqanka madaxweynaha ee ah in uu ciidamo ku soo uruurinayo Jowhar, kuwo kalena ay ku soo jeedaan in taasi ay horseedeyso dhibaato, isla markaana aaney jirin sabab lagu aamino.

 

“Haddi uuusan dagaalka billabin, waxaan rajeynayaa in dadka Soomaliyeed aysan arki doonin dagaal dhibaatadiisa, laakiin hadduu C/llaahi uu bilaabo dagaal wuxuu noqonayaa nin habeen guureeyey†ayuu yiri Caaato, wuxuuna sii raaciyey.

 

“Ciidamda Soomaaliya dhismahooda nooc ay doonanba C/llaahi Yuusuf keligii xaq uma laha lagana aqbali maayoâ€

 

Si kastaba ha ahaatee garabka Muqdisho ayaa ah kuwa aan fulin wax walba ay isula soo qadaan halka madaxweynahu yahay nin go´´aan leh waxuu yirahdana fuliyo tasoo keentay wax walba ay yirahdaan hogaamiyaasha Muqdisho kuwa aan la rumeysan .

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)Dayniile,Muqdisho

 

diinicadde@hotmail.com

 

_________________________________________________

 

Ouch. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

The same articles can be used to give credit to Shariif for his motivation to learn a foreign language to communicate with outsiders. As for getting money from the outside communities, who doesn't? They were collecting money for A/Y the previous weeks. And there is a lesson for the corrupted minds in Reer Muqdisho's willingness to admitt the failure of the men among them. It takes Qalbi fiican to admitt such failures and demand changes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this