Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Ku Dhintay Laascaanood Oo Gaadhay 20 Qof.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay khalalaasha Laascaanood oo la shaaciyay

Shaqaalaha caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen mudaharaadada ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay sheegeen in tobanaan kale ay ku dhaawacmeen dagaal toddobaadkii la soo dhaafay dhexmaray ciidammada ammaanka iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dadka haldoorka gobolka ku laynaya magaalada Laascaanood.

Dhanka kale guddoomiyaha golaha Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dayac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa waxgaradka bulshada oo aan waxba laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalka joogtada noqday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this