Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arrinta Laascaanood iyo Diiwaan-gelinta Qof iyo Cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo sidoo kale Arrinta Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay Arrinta Laascaanood ayaa sheegay in Puntland uu dulqaadkii ka dhammaaday islamarkaana ay qaadayso Tallaaba ku habboon si loo difaaco Shacabka Ciidamada Somaliland ku laynayaan Laascaanood.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Diiwaan-gelinta Doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland taas oo Ururada Siyaasadda qaarkood weli dood ka qabaan waxaana uu sheegay in Diiwaan-gelinta lagu qabanayo wakhtigii hore loogu qorsheeyay ee ah shanta bishan Jannaayo 2023.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale Suxufiyiinta uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay ka weydiiyeen Qodobada uu ka hadlay ee Doorashooyinka iyo Arrimaha Gobolka Sool.

Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweynaha Puntland

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arrinta Laascaanood iyo Diiwaan-gelinta Qof iyo Cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this