Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Somaliland ugu baaqay in ay deg deg uga baxdo Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672547413846.jpg?resize=720%2C54

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Garaadka oo xalay warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa ugu horrayn ka tacsiyeeyay shacabka Somaliland ku xasuuqday magaalada Laascood.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin xasuuqa Ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood ee lagu laayay Rayidka aan hubaysanayn.

Garaadka ayaa sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay Ciidankeeda si deg deg ah uga la baxdo Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool si aysan dhib danbe u dhicin.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Somaliland ugu baaqay in ay deg deg uga baxdo Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this