Sign in to follow this  
Gabbal

Why has Col Barre Hiiraale reached Nairobi?

Recommended Posts

Gabbal   

Wasiirka Dib U Dhiska Iyo Dib U Dejinta DFKMG Ah Ee Soomaliya Barre Aadan Shire Oo Soo Gaaray Nairobi

 

Maanta barqanimadii ayaa waxaa magaalada Nairobi soo gaaray Wafdi uu hogaminayo Wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska ee Soomaliya Col Barre Aadan Shire oo ka soo kicitimaya magaalada Kismayo ee xarunta u ah maamulka Isbahaysiga dooxada Jubba. Inkasta oo aan si rasmiya shaaca looga qadin ujeedada socdalka Wasiirka ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirku uu marti qaad ka helay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin safaarada Maraykanka ee dalka Kenya,hayadaha samafalka iyo dowlada kenya. Warar hoose ayaa sheegaya in kulan ay isugu yimaadan wasiirka iyo madaxweyne C/lahi Yusuf oo la filayo in galabta uu soo gaaro magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

 

Waxana jira warar aanu ka helayno xafiiska madaxwaynaha ee Kenya oo ayaguna tibaaxaya in madaxwaynuhu uu marka uu kulanka la yeesho Barre Hiraale uu u sii gudbi doono wadanka Ingriiska oo uu u aadayo arimo la xariira caafimadkiisa.

 

Hadaba kulanka la filayo in uu dhex maro madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo iyo Barre Hiirale aya aha mid xasaasiyadisa wata asaga oo noqn doona kulankii ugu horeeyay ee ay labada masuul isku soo hor fariistaan tan iyo intii uu Cabdullahi Yusuf Axmed uu noqday madaxwaynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Somaliya,iyada oo ay jireen qilaafyo dhinaca siyaasada oo labada masuul ku kala dhex jiray tan iyo sanadadii la soo dhafay.

 

Waxana la filaya in kulankani ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiimad goonia u leh madaxwayne Cabdullahi Yusuf oo doonaya in uu sare u qado awooda dowaldiisa liica dhacaysa. Waxa ayna dad badi is waydiinayaan waxa kulankani uu ku soo kordhin karo hadafka Barre Hiirale oo aan horay wax kulamo ah ula yeelan Cabdullahi Yusuf marka laga reebi xariir dhinaca telfoonka ah oo ay labadoodu yeesheen xiligi uu waday isku daygiisii ku adana dhex dhexaadinta xubnaha dowlada ee ku kala qoqobnaa Jowhar iyo Muqdisho.

 

Wasiirka dibu dhiska aya la filaya in uu kulamo la yesho hay'adaha samfalka oo uu kala hadli doono sidii ay u buuxin lahayeen doorkooda samafal ee kaga aadan gobolada Jubboyinka oo ay ka jiraan dhibatooyin Bini aadanimo oo aad u baxad wayn iyo magalada Kismayo oo haatan amankeeda laysku halayn karo loona bahanyahay in ay hayaduhu dib ugu soo labtaan.

 

D Y Sh ( SONNA)

Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale oo maanta gaaray magaalada Nairobi iyadoo la filayo inuu kulan la yeesho madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 

April 16, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Deeqa Yuusuf Shire “Nairobiâ€

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada Nairobi tan iyo xiligii uu dhamaaday shirkii dowladda lagu soo dhisay laba sanno ka hor iyadoo ujeedada socdaalkiisa lagu macneeyey kulan uu la yeelan doono madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 

Wasiirka dib u dhiska Bare Hiiraale iyo xubna ka tirsan mamulkiisa ayaa saaka soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyagoo ka soo kicitimay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah isbaheysiga dooxadda jubba.

 

Ujeedada socdaalka wasiirka oo aan si rasmi ah shaaca looga qaadin ayaa illo ku dhow dhow ay xaqiijinayaan in mudada uu joogo kulama uu la yeelan doono mas’uuliyiin ka socota hey’adaha samafalka oo uu kala hadli doono sidii ay gacan uga geysan lahaayeen samafalka bulshada gobolada jubbooyinka.

 

Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in berri uu kulan dhexmari doono Barre Hiiraale iyo madaxwyne C/laahi Yuusuf oo la filayo inuu galabta soo gaaro magaalada Nairobi waxaana soo baxaya warar sheegaya in madaxweynaha uu ka sii gudbi doono magaalada Nairobi isagoo u socda howla caafimaadkiisa ku aadan.

 

Kulankan ayaa haddii uu qabsooma waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey oo isku soo hor fariistaan tan iyo xiligii la dhisay dowladda.

 

Marka laga reebo xiriir dhinaca Telfoonka ah oo ay sameeyeen xilligii uu wasiirka dib u dhiska Barre Hiiraale waday isku daygiisii ku aadanaa inuu dhexdhexaadin ka sameeyo xubnaha dowladda ee ku kala sugnaa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiraale Oo Maanta Gaaray Magaalada Nairobi

Apr 16, 08:32

 

 

Kismaayo:-Wasiirka dib u dhsika iyo dib u dejinta dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Barre Aadan Shire Hiiraale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka dhoofay garoonka magaalada Kismaayo, ayagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Socdaalka Col. Barre Hiiraale oo aan horay loo shaacin, isla markaana ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa ku wehliyay sarkaal sare oo ka tirsan isbahaysiga dooxada jubba oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Shire.

 

Wariye Axmed Timajilac oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Halgan.net in warar hoose ee uu ka helay masuuliyiinta isbahaysiga dooxada Jubba ay sheegayaan in guddoomiyaha isbahasiga dooxada jubba uu magaalada Nairobi kulamo kula yeelan doono saraakiil Mareykan ah oo uu kala hadli doono arrinta ku saabsan shisheeyaha ku dhuumaalaysanaya dalka Soomaaliya.

 

Socdaalkan Barre Hiiraale uu ugu ambabaxay magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ku tago magaaladaasi tan iyo markii uu halkaasi kaga qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu soo dhisay dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

 

C/qaadir Osman

Halgan.net

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why has Col Barre Hiiraale reached Nairobi?

I suspect its the Americans: they're investigating the intimate relationship between the Walaalaha Galgaduud coalition and the Midowga Maxkamadaha Islaamiga of Banadir region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HORN -

 

There is a lot of speculation in the Somali media about the visits to Nairobi by Col Yeey and Col Hiiraale:

 

"...Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta isla markaana ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxooyinka Barre Aadan Shire (Hiiraale) ay si wanaagsan isugu afgarteen in dowladdu ay saldhig ka dhigato Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose."

- Puntland Post, Apr. 17, 2006

 

I don't buy any of it. I still believe Col Hiiraale's visit to Nairobi has to do with the invisible American hand at play. Remember, the Americans want info about so-called "terrorist" elements in Somalia. Seeraar was invited because several of the alleged "terrorists" are from his sub-sub-sub ilk. Perhaps Hiiraale's invitation to the U.S. Embassy has do with Xasan Turki, another alleged "terrorist" whose base is miles from Kismaayo.

 

Perhaps.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Some critics have taken this as legitimization, from the most vocal camp, of Barre's leadership over Kismaayo. They are saying that this is a precedent that will be brought up in the future in favor of Barre.

 

From my understanding, the American connection has only been uttered by various, as always untrustworthy, Somali news mediums. I haven't verified it yet.

 

Perhaps Hiiraale's invitation to the U.S. Embassy has do with Xasan Turki, another alleged "terrorist" whose base is miles from Kismaayo.

Barre Hiiraale has long given amnesty to Hassan Turki and his Islamic base in Ras Kambooni. I do not believe he would have left Kismaayo on-call to "snitch" on Turki when he has made it plain in that past that anyone who such intrudes on Turki's affairs has intruded on Hiiraale's.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col.Barre Hiraale iyo Col. C/lahi Yusuf Oo Yeeshay Kulan Saacado Qaatay Iyo Col.Hiiraale Oo Wareysi Gaar Ah Oo Dhinacyo Badan Taabanaya Aanu La Yeelanay Kulankii Labada Col. Kadib

 

(GEDONET EXCLUSIVE) Kadib markii uu maalinimadii shalay magaalada Nairobi soo gaaray wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska ee dowlada ku meel gaarka Xilidhibaan Barre Aadan Shire ayaa waxa uu tan iyo in tii uu yimid waday kulamo uu la yeelanayo dhinacyo kala duwan oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Soomaliya Cabdullahi Yusuf Axmed oo asana galinkii danbe ee shalay soo gaaray Nairobi.

 

Hadaba qadar daqiiqado ah kadib markii uu madaxwaynuhu yimid ayaa waxa ay labada masuul yeesheen kulan albaabada loo laabay saxafadana loo diiday,waxa uuna kulankaasi ka dhacay gudaha Hoteelka Grand Regency uu deggan yahay Barre Hiiraale.

 

Kulankan oo soconayay mudo sadex saacadood ah ayaa waxaa la xaqiijinaya in labada masuul ay ku kaliyoobeen goobta wada hadalka halkaas oo markii uu soo gabo gaboobay kulankaasi isla saacadiiba uu madaxwaynuhu u duulay wadanka ingriiska oo uu u aadayay arimo cafimaadkiisa la xariira.

 

Si aan wax un uga ogaano waxyabaha ay labada masuulis dhaafsadeen ayaa waxaa noo suuro gashay inaan su'aalo dhoowr ah galabta waydiino Xildhibaan Barre oo aan ku booqanay Hoyga uu dagan yahay ee Grand Regency Hotel.

 

Gedonet- Mudane Wasiir ku soo dhawoow Gedonet

 

Wasiirka- Waan dhawahay Mahadsanid

 

Gedonet- Waxa in badanoo kamid ah shacabka Somalidu ay isha ku hayan kulanka aad la yeelatay madaxwaynaha oo aad dhinaca siyaasada si wayn xiliyadii danbe isga soo horjeedeen ma noo fah fahin kartaa ujeedada kulanka iyo waxa aad ka wada hadasheen?.

 

Wasiirka- Bismilah Kulnka waan wada yeelanay Adeer Waxan ka wada hadalay halkan kuma soo koobi karo waxana ugu muhiimsanaa arrimaha Soomaliya iyo dolwada sidii loo dhaqajin lahaa,waaan isku afgaranay.

 

Gedonet- Waxaa soo baxaya warar tibaxaya in aad ka wada hadasheen arimaha la xariira ciidamo xoogan oola sheegay in dowladu ay rabto in ay fariisin uga samaysto Gobolada aad ka arimisan?.

 

Wasiirka- Adereey dowlad ciidamo waa u bahantahay hadana ciidamada dowladu waa joogan jubboyinka marka waxaasi mahan wax aan u arkyo in ay culays leeyihiin.

 

Gedonet- Mudane waxaa warbahinta ayamahan ay ka hadalayeen ciidamo aad gaynaysaan Bu'aalle maxay yihiin ciidamadasi?.

 

Wasiirka- Waa goobaha aan ka arimino wana gayn karaa ciidamadeena hadase ma jiraan wax aan gaynay oo ciidamaa.

 

Gedonet- Kulankii aad madaxwaynaha la yeelatay ma ka soo baxeen wax la taaban karo oo la xariira arimaha aadisku maandhaafsantihin?.

 

Wasiirka- Kulanku waxa uu noogu dhamaaday is faham.

 

Gedonet- Maxaa ka jira marti qaad ay kuu fidisay safaarada marykanka?.

 

Wasiirka- Annaga howlo badan ayaan halkan unimi safaradana hadan kulan la yeelano dhib uma argno,lakin muhiimada aan hada wadnaa waxaa ugu wayn hay'adaha samafalka oo aan kala hadlayno sidii ay markale u bilabilahayeen howlahooda bini aadanimo ee goboladasi,qaarkoodna wanla kulanay qaarna wan balansanahay.

 

Gedonet- Malaga yabaa in aadka qayb gasho kulamada wasiirada iyo xildhibanada ee Baydhabo oo aadan wali tagin?.

 

Wasiirka- Haa wan tagaynaa baydhabo hadana dhib ugama aanaan maqnayn ee waxan uga hakanay cudurdaar wana nalagu ogyahay.

 

Gedonet- Maxaa ka jira in marti qaad ay ku fidiyeen Jaaliyada Marykanka?.

 

Wasiirka- Maraykanka waan tagynaa hadan janis uhelo waana uga mahad celinaynaa jaaliyada dadaalada ay wadan marti qaadkoodana wan soo dhawynaynaa.

 

Gedonet- Ugu danbayn maxad u soo jeedinaysaa Beesha caalamka?

 

Wasiirka- Waxan ugu baaqaynaa in aysan ka seexan xaalada Soomaliya oo ay gacanka gaystaan sidii loo hananlahaa qaranimadii somalia,si looga baxo foowdada iyo dhibka jira.

 

Guntii iyo gabo gabadii waxaa aan si rasmiya carabka loogu dhufan qodobadii ay ka wada hadleen labada masuul oo u muqda kuwo saxaafada lga weec weecinayo.

 

D Y SH (SONNA)

Gedonet-Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this