Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland court conficts pirates + President speaks out

Recommended Posts

Boosaaso: Puntland oo xukun ku riday Burcad Badeed.

11. april 2009

Boosaaso(AllPuntland )- Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa xukun ku riday 10 nin oo burcad badeed ah, waxaana loo xuskaday xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed iyo xeerarka deegaanada Puntland.

 

Xeer Ilaaliyaha dawladda Puntland ayaa ku eedeeyey ragan maxkamada la horkeenay in lugu soo qabtay, ayagoo saaran markab laga leeyahay deegaanada Puntland, isla markaasna ay ka doonayeen in ay lacago Madax furasho ah ka qaataan.

 

Dambiga lugu soo oogay ragan ayaa qaar ka mid ah ay ku sheegeen mid aysan waxba ka jirin, waxa ayna sheegeen in ay doonayeen in ay ilaaliyaan biyaha deegaanada Puntland ayna ka ilaaliyaan Maraakiibta la baxaysa kheyraadka deegaanada, ayagoo sidoo kale qaarkood ay sheegeen in aysanba ku jirin falka lugu eedeeyey.

 

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa Maxamed Cabdi Awaare ayaa ku dhawaaqay in ragan 8 ka mid ah lugu xukumay min 20 sanno oo xarig ah, inkastoo ay furan tahay in ay racfaan ka qaadan karaan.

 

Dacwad oogaha ayaa codsaday in maxkamada dib loo dhigo, si cadeymo xaqiiqo ah loo keeno maalinta beri ah, dhinaca kale nin udoodaya niman eedaysanayaasha ah ayaa ka codsaday maxkamada in ragan lasii daayo maadaama aan cadeymo dambi in ay galeen ah laheyn, inkastoo uu talaabadaasi diiday maxkamadu ayna ka codsatay Dambi-oogayaasha in ay cadeymahooda keenaan.

 

Ragan la xukumay waxaa lugu soo qabtay markabkii Shirkada barwaaqo ee magaalada Boosaaso, markii uu jiray maamulkii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi, waxaana lafilayaa sidoo kale in dhawaan la xukumo kooxo kale oo lugu tuhmayo burcadnimo.

 

F. C. Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this