Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Saakow oo u gacan gashay Maxkamadaha

Recommended Posts

Baardheere 26, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, iyadoo degmadaasi ay fariisin u ahaan jirtey maleeshiyaadkii wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia

 

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Saakow ee gobolka J/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta islaamka Somalia ay gaareen degmadaasi oo 84 Km dhinaca koonfureed kaga toosan degmada Baardheere, iyaoo aysan jirin wax iska horimaad ah oo halkaasi ka dhacay.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Saakoow oo qadka isgaarsiinta ugu waramay Shabelle ayaa xaqiijiyay in shalay galab ciidamada midowga Maxkamadaha ay la wareegeen degmadaasi, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo kaga timid dhinaca maleeshiyaadka Barre Hiiraale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa agagaarka degmada Saakow.

 

Degmada Saakow ee gobolka J/dhexe ayaa waxa ay fariisimo u aheyd maleeshiyaadka wasiirka G/dhigga, iyadoo Maxkamadaha islaamka ay masaafo yar u jiraan degmada Baardheere oo ah fariisinka koowaad ee wasiirka G/dhigga.,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by HornAfrique:

What doesn't kill you makes you stronger. Barre isn't done, he is waiting for a few things.

Like reinforcement from unknown powerful forces with tanks and helicopters and thousands of infantry, or something like that is it?

Saxiibo sheekadan wa dhamatey, waxba ha is waliina. Nimankan dhalada biyaha iyo afarta xabo oo timar ah gacanta ku wata cid aan Macbudka aheyn o naga qaban karta maleh.

Sana layela, inta laga mara, Barre a kaabtooda cirka uu diraya, Af-gaduud ha hegan ah, Bur Hakabo aala qabtey misene walaga baxey, wacdaro a la tusa....been iga dheh waxas oo dhan...tubtey iyo tano. Wakana hada Xaaji Cabdullahi a borsadisa xirxiranoya, inta kale halkey jogta.

Shib iska dheh mugo, mahaan wax kale aa socda. Amarkaan wa weyn yahey mid yar mahiin, e mahaan ha ku xiqina iska amuusa bal.

Waxaa wax lo qeybsan jirey 4.5, yacni .5 'otherska' aa iska lahey, mugo se wax ku socdaan hada waxay uu egtahey .5 ka in la qordhin dono, o nalagu so carirsho... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

War meeshaan lagu hardamaayo, aawey dadkii deggaankaa u dhashay?

 

Reer Saakoow dhabta ahaa aaweya? Wax dhanka Diinsoor idinka caawiyo maleh? Reer Bu'aale iyagana waaba la iska ilooway.

Miskiin been been ma ula bixiin widayo. Reer kuma lahino. Warya 'reer' waxa eh kuwa heysta gandheri, tekniko, qori kor iyo hos iyo geesaha u kala dhacay, somajeste, si majeste, liqiye, manaxe, libaxsankatabte,kunciil, kolonel, jeneral,madaxweyne, madaxyare, gudomiyaha haweenka, gabyay, buranburtoy, iwm. Kuwas aa reer ah. Inkasto ayantan magacyadi kisto la qurxiyay oo 'abu' laga hormarsadey carrurtina magac carbeed lo bixiyay..abu-cuteybi aa markaas so baxey iyo kuwa kale.

Shib iska dhe war ma heysiide Maskiino. Si Reer aad uu noqotiid sharudo badan aa lo bahan yahey..waxa ka mid ah in aad fadhi-kudirir aan naxeeyn sida Jenerale Duke internetka ku fadhiyo.

Ci-ciyar ma uu maleysey 'reer'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Allamagan:

Cayaari waa gelin dambe ma maqlino markaa ebow sug he.

Lol@gelin dambe...Hargeysa a kobka gobolada ku qaadi laheyd taas. (Inkasto ay hal mar qadey..thanx to Gen. Gaani)

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

War meeshaan lagu hardamaayo, aawey dadkii deggaankaa u dhashay?

 

Reer Saakoow dhabta ahaa aaweya? Wax dhanka Diinsoor idinka caawiyo maleh? Reer Bu'aale iyagana waaba la iska ilooway.

What are YOU waiting for? :D

 

Originally posted by HornAfrique: 3.Take everything you read with a pinch of salt.

Adeer beenta badan inaga yareeya milixda dhiig-kar baan ka qaadnee! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this