Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: a good man takes control of Health Ministry

Recommended Posts

Wasirka Cafimaadka oo xilka la waregay

24 Jan 24, 2009 - 7:29:06 AM

 

Waxaa maanta [Jan 24] xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Magaalada Garowe ee caasimadda Maamul-Goboleedka Puntland ka dhacday xaflad xil wareejin aheyd oo xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaarada Caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi asagoo kala wareegay wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Caafimaadka C/raxmaan Diirye Samatar.

 

Xil wareejintaan ayaa la sheegay in aay goob joog ka ahaayen dhamaan masuuliyinta cusub iyo kuwii hore ee Wasaarada Caafimaadka waxana ugu horeyn halka ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka C/raxmaan Diiriye waxa uu sheegay in uu xilka ku wareejinayo maanta waxii kadanbeeya Wasiirka cusub Dr. Bashiir Cali Bixi asagoo ku wareejiyay dukumiintiyo iyo waraaqo cadeenaya in uu xilka ku wareejiyay Wasirka cusub oo kamid ahaa wasaradihii dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamad Faroole.

 

C/raxmaan Diiriye wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaarada Caafimadka oo sidoo kale hadlkiisa sii wata yaa yiri: "Mudane Wasiir ku soo dhawoow aad baan ugu farxsanahay runtii in aan xilka kugu wareejiyo waadna tahay runtii nin u qalma xilkana, waa meerto xilka marka soo dhawoow. " Wuxuu kaloo sheegay in ay ka go'antahay in uu la sii shaqeeyo intii awoodiisa ah asagoo sidoo kale kula dardaarmay Shaqalaha wasaarada oo xiligaa goob joog ahaa in aay si cadaalad ku jirto xilkooda u gutaan unala shaqeeyaan si daacadnima ah .

 

Intaa kidib ayaa waxaa makaroofanka la wareegay Wasiirka cusub ee wasaarada Caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi waxuuna amaan balaaran u jeediyay Wasiir ku xigeenka hore ee wasaarada caafimaadka C/raxmaan Diiriye oo uu ku amaanay sida wanaga badan ee uu xilka ugu wareejiyay waxuuna sheegay in uu ka gudoomay walaalkiis xilka uu ku wareejiyay asaga halkaa ka hadlayana waxa uu yiri: "Aad ayaan kugu mahad celinayaa sida wanagsan ee aad igu wareejisay xilkaan waana kaa gudoomay."

 

Dr. Bashiir Cali bixi waxa uu kamid ahaa tira wasiiro ahaa uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Farole kuwaas oo qaar kamid ah la wareegeen xilalkii loo magacaabay halka qaar kalina dhawaan la filayo in ay wareejiyaan mana ah markii ugu horeesay ee xil uu la wareego wasiir ka tirsan wasaradihii dhawaan la soo magacaabay waxana horay xilal ula wareegay wasiirkii arimaha gudaha iyo wasiirkii xanaananaha xoolaha waxeyna dhamaan wasiiradaan sheegeen in aay ku farxasanyihiin inay xilka wareejiyaan.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Faroole has done well and the people have welcomed the smooth transfer of power. The chances are that security will continue to improve. We have nothing to fear from anyone in Somalia. Insha Allah khair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this