Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyayaal Lagu Xiray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ay xabsiga u taxaabeen saddax wariye.

Wariyayaasha la xiray ayaa ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo ay doonayeen in ay ka safraan, iyaga oo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Saddexda wariye ayaa kala ah Maxamed Ibrahim Bulbul Hanad Cali Guuled iyo Maxamed Bishaar, waxaana ay kamid yihiin mas’uuliyiinta ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

Weriye Mohamed Ibrahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS; Hanad Ali Guled oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS; iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo xilli ay safar u ahaayeen magaalada Muqdisho saaka oo Arbaco ah. Saraakiil ka tirsan Taliska Nabadsugidda KGS oo sida la sheegay ka amarqaata xafiiska Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaana saddexda weriye ku qaatay baabuur nooca dusha ka furan (Cabdi Bile). Weli lama oga halka loo qaaday,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay SJS.
317254225_1828787587486544_6318120266797
317682301_1828787654153204_7399690288241
317627788_1828787724153197_6472501701434
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this