Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo taagero ka dalbatay Deeq Bixiyayaasha Caalamiga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya oo ka qaybgashaya furitaanka kal-fadhiga 113-aad ee golaha IOM, ayaa  codsatay in laga taageero la qabsiga isbaddalka cimilada.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in hadda laga taageero sidii loola qabsan lahaa isbaddalka cimilada iyo cuna yarida ka jirta caalamka.

“Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha.
Warsame ayaa sidoo kale deeqbixiyayaasha caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliya laga taageero isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.
“Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha.
317616008_175271515188455_49230030455732
317363991_175272168521723_50482398957516
316826739_175272178521722_68473970047109
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this