Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

IGAD delegation visits Somaliland pics

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Ururka IGAD, Daawo Sawirada

Written by Qarannews

Dec 06, 2009 at 12:28 PM

 

RayIgad4.JPG

 

Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, warsaxaafadeedkaasi oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews ayaa shaaca lagaga qaaday in uu dalka yimid wafti ka socda dalalka IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada, Wefdi balaadhan oo ka socda Urur Goboleedka Wadamada Bariga Afrika, marka la soo gaabiyana loo yaqaan IGAD.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayay, Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, oo wadamada IGAD u qaabilsan arrimaha horumarinta ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

RayIgad3.JPG

 

 

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo wefdiga kala hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu marka hore ugu mahad naqay wefdiga booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in booqashadani aanay noqon doonin tii ugu danbaysay ee ay mustaqbalka socdaalo kale ku iman doonaan Somaliland.

 

RayIGAD1.JPG

 

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu si kooban wefdiga ugaga waramay arrimo ku saabsan gooni isu taaga Somaliland iyo waxqabadka iyo tallaabooyinka horumarka ah ee ay ku tallaabsatay tani iyo intii ay kala soo noqotay xorriyadeed wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Madaxweynuhu, waxa uu carabka ku dhuftay in Somaliland aanay ka helin caalamka intiisa kale oo ay ugu horeeyaan wadamada Afrikaanku wixii ay ka mudnayd dhinaca aqoonsiga iyo tix-gelinta ay u leedahay in loo qiro gooni isu taageeda.

Madaxa wefdiga oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxa uu ka waramay in ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay warbixin iyo xog fiican ka helaan waxyaabaha horumarka leh ee ay qabsatay Somaliland oo ay ugu weyn tahay Nabad gelyada iyo xasiloonida ay ku caano maashay.

 

 

RayIgad3.JPG

 

Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, waxa kale oo uu Somaliland ugu mahad naqay, tallaabooyinka ay ka qaaday la dagaalanka Argagaxisada iyo Budhcad badeeda, taasi oo u baahan in wadamada kale ee mandaqaduna kaga daydaan Somaliland, gaar ahaan wadanka ay dariska yihiin ee Soomaaliya oo aynu ognahay dhibaatooyinka ka taagan.

Gabo gabadii, Hogaamiyaha wefdigu waxa uu ballan qaaday in uu u gudbin doono shirka madaxda wadamada IGAD ee ka dhici doona Magaalada Jabuuti wixii ay ku soo arkeen intii ay joogeen Somaliland”.

 

 

RayIGAD2.JPG

 

Kulankani waxa maanta madaxweynaha ku weheliyay oo ka qayb qaatay kulankaasi wasiirka maaliyada,qorshaynta,warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka , safiirka wareega ee Somaliland iyo xoghayaha khaaska ah ee maadaxweynaha.

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is not important which one ,,,, if IGAD takes a step forward towards Somaliland of course AU will follow ......... It is good that IGAD is keeping an eye on Somaliland ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Presidents receive IGAD delegation

Written by Qarannews

Dec 07, 2009 at 06:12 AM

 

 

 

Hargeisa(Qarannews)- The President of Somaliland, Dahir Rayale Kahin met yesterday with a delegation from the Intergovernmental Authority on Development(IGAD) in East Africa. The IGAD delegation are on a short visit to Somaliland led by Mr. Kipsuto Arap Kirwa. Mr. Arap Kirwa is the head of the Somaliland/ and Somalia office for IGAD.

 

 

President Rayale and the IGAD delegation discussed areas of mutual interest pertaining to the security, stability and development in East Africa.

 

President Rayale spoke to the IGAD delegation about Somaliland's progress since reclaiming its sovereignty in 1991. The President placed a strong emphasis on the development of grass roots democracy in Somaliland based on dialogue, discussion and consensus.

 

President Rayale reminded the IGAD delegation the need to support Somaliland's prevailing stability and development, whilst at the same time continuing to engage Somaliland as an integral part of the overall security and development in the Horn of Africa.

Mr. Arap Kirwa, head of the IGAD delegation in his brief statement thanked the government and the people of Somaliland for their warm welcome. Mr. Arap Kirwa stated that the primary reason for the delegation's visit to Somaliland is to get first hand experience of Somaliland's security, stability and development.

 

Mr. Arap Kirwa, head of the IGAD office for Somaliland and Somalia, praised Somaliland's efforts to combat terrorism and piracy in the region. The IGAD delegation are expected to hold talks with senior government official, members of the Somaliland House of Elders and Parliament, as well as, opposition party officials and members of the Somaliland business community during their visit.

 

Attending the meeting from the Somaliland side were the minister of Finance, Mr. Hussien Ali Duale, minister of Planning, Mr. Ali Abdi Ibrahim, minister of Information, Mr. Ahmed Haji Dahir, deputy Planning minister, Mr.Ahmed Hashi Abdi, deputy Foreign minister, Mr. Ahmed Aden Ismail, Somaliland's Ambassador at Large, Dr. Mohamed Aar and members of the protocol office.

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Arap Kirwa, head of the IGAD office for Somaliland and Somalia, praised Somaliland's efforts to combat terrorism and piracy in the region. The IGAD delegation are expected to hold talks with senior government official, members of the Somaliland House of Elders and Parliament, as well as, opposition party officials and members of the Somaliland business community during their visit.

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

President Rayale and the IGAD delegation discussed areas of mutual interest pertaining to the security, stability and development in East Africa.

I don't see any discussions about statehood or recognition. Perhaps JB will decipher for me what I am missing. He has an inside inside inside information.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this