Sign in to follow this  
General Duke

The issue of the moment: Mogadishu roadblocks

Recommended Posts

KA DHABEYNTA ISBAARO QAADADIDA MUQDISHO IYO NAWAAXIGEEDA OO SHAKI LA GELIYAY

Somaliweyn- Muqdisho- Somalia 6/6/05

 

Iyadoo maalmahan ay dadweynaha magaalada Muqdisho hadal heyntoodu ku saabsaneyd sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka yaala waddooyinka magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda muddo 15-sano ah ayaa waxaa maanta kulan hor dhac yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo caan ka ah dalka.

 

Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xubnahaasi ayaa sheegay inay fududahay isbaaro qaadista, hase yeeshee uu sheegay inay muhiim tahay in maleeshiyooyinka halkaasi ka tegaya la meeleeyo, haddii kale “Way fududahay in isbaaro la qaado, hase yeeshee haddii aan maleeshiyooyinkii joogay la meeleynin waa dhib badan tahay sida mar kale loo qaado†ayuu yiri Muuse Suudi oo dhinaca kalena in isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay isugu jiraan kuwo dhaqaale iyo siyaasad ka dambeyso, wuxuuna xusay in isbaarooyinka siyaasadda la xiriira ay yihiin kuwo Hub loo soo daabulo.

 

Dhinaca kale Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay mar uu la hadlayay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee shirkaasi ku sugnaa in dalka uu ku soo fool leeyahay cadow, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lala yimaado karti iyo waxqabad dhab ah, “Waxaan rabaa in fool xumada nagala sheegayo aan iska meyrno, oo Soomaali waa is taqaanaahe qabiilka Hawiyaha ee isbaarada Xamar u taalo uu isagu mas'uul ka yahay, waxaana ku boorinayaa ninkii hadhow soo garab istaagi doono wiilka isbaarada jooga hadda inuu meeshan yimaado oo uu ka sheego waxa ay dhaafsanayaan†ayuu yiri Maxamed Qanyare.

 

Xubnihii halkaasi ka hadlay ee aan ka midka ahayn hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, C/qaasim Salaad Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xasan Sh. Aadan, hase yeeshee khudbadii uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay si weyn ula dhaceen inta badan ka soo qeyb galayaashii kulankaasi, kaddib markii Shariifka uu ku hanjabay in haddii maalinta Talaadada ah oo berri aan la qaadin isbaarooyinka ay dalka isaga baxayaan.

 

Runtii Shariifka waxa uu ku dhawaajiyay in dadka Muqdisho ee nabadda jecel ay ka shaqeeyaan nabadeynta degaankooda, wuxuuna maleeshiyooyinka ku sugan isbaarooyinka ku gubaabiyay in iyagoo raalli ah ay isaga tagaan goobaha ay joogaan, taasoo uu daba dhigay in Ganacsatada Muqdisho ay diyaar u tahay inay dhaqaale ku bixiso maleeshiyooyinkaasi howlgabka laga dhigayo.

 

Dadaalada lagu qaadayo isbaarooyinka ee ay wadaan xubnaha labada Gole wejigiisa labaad ee isbaarooyinka looga qaadayo goobaha ay yaalaan ayaa u muuqata mid culeyskeeda leh, waayo xeel dheerayaal siyaasadeed ayaa iyagu arrintan walaac ka muujinaya sida ay ku suurtageli karto ama ugu yaraan xitaa loo yareyn karo sida markii howlgalkan la sheegay ay u sii bateen isbaarooyinka iyo dilka macno la'aanta ah ee lagula kacayo shacabka.

 

Dadweynaha magaalada Muqdisho durba way soo ifbaxday cabsidii ay ka qabeen in 90% lagu guuleysan karo isbaarooyin la qaado, kaddib markii ay dhegahooda ku soo dhibceen laba ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada hubka ku heysta Muqdisho oo kulankii maanta intii aanu dhammaan isaga tegay oo isaga baxay, hase yeeshee mas'uul u hadlayay mid ka mid ah labadaasi hoggaamiye kooxeed ayaa weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn u sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho aanay daacad ka ahayn howlaha isbaarooyinka lagu qaadayo, hase yeeshee mas'uulkaasi oo magaciisa qariyay markii aan su'aalay waxyaabihii ku gooni yeelay inay shirkaasi uga baxaan ayaa sheegay inay iyagu u arkaan haddii tallaabooyinkaasi la isku dayo ay dhalin karaan dagaalo hor leh iyo isbaarooyinkii oo sii bata, waayo buu yiri mas'uulkaasi in isbaarooyinka la qaado waa wax jira oo loo baahan yahay, balse waxaa ka horeeya in marka hore maleeshiyooyinka la tirakoobo oo la diiwaan geliyo kaddibna loo diyaariyo oo loo gudbiyo halka la geynayo iyo sida laga yeelayo mustaqbalkooda, mar haddii ay ku tiirsanaayeen dhaqaale ahaan isbaarooyinka.

 

Kulankii maanta ay yeesheen xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo isagu u muuqday mid xiiso leh, maadaama waxa laga hadlayo ay tahay masiirka shacabka ku dhaqan G/Banaadir, mar haddii ay nabadgelyadoodu caqabad ku noqotay muddo 15-sano ah isbaarooyinka iyo maamul la'aanta ka jirta ee sumcad xumada ku hareeyay caasimadii Soomaaliya. Waxaadna moodaa in tallaabada horumarka leh aan si taxadar leh looga fiirsan, mar haddii ay hormuud ka yihiin hoggaamiye kooxeedyo iyo Xildhibaano ku caasiyoobay madaxda sare ee Dowladda oo caro darteed Muqdisho kula hoyan la'yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay maamul la'aanta ka jirta caasimadii Soomaaliya oo in ka yar 3km ay ka taliyaan 3-hoggaamiye kooxeed oo marka ay runta timaado aan diyaar u ahayn inay ka shaqeeyaan danta shacabka G/Banaadir, isla markaana dib ugu soo celiyaan adeegyada kaabayaasha bulshada.

 

 

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

 

jabriil@journalist.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

QAADISTA ISBAAROOYINKA YAALA MUQDISHO OO MAANTA DOOD KULUL LAGA YEESHAY

 

MUUSE SUUDI:" Anigu waxaan qabaa in arrinta qaadista isbaarooyinka loo saldhigo oo aan lagu deg degin"

 

MAXAMED QANYARE: "Xaaji Muuse adiga Isbaaro kale qaadisteeda cid kaama rabto, Isbaarooyinka kale qabiilkooda waa joogaan, iyagaana laga rabaa in ay qaadaane adiga taada qaad"

 

SHARIIF XASAN: " Isbaaro iyo Qaran meel ma wada geli karaan, waana qaadis Isbaarooyinka yaala"

 

 

Isniin, June 06, 2005(HOL): Dood ku saabsaneyd nabadeynta Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda CRD, isla markaana ay ka qeybgaleen madaxweynayaal horay u soo maray Soomaaliya, xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta ka dhacday Hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho.

 

Dooddan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayay wasiirrada Ganacsiga iyo Amniga Qaranka Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare ku soo bandhigeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida ay tahay in loo qaadi karo Isbaarooyinka lacagaha sharci darrada ah lagu qaado ee yaala magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

 

Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in aaney isagu la ahayn in sidii beryahaanba la sheeg sheegayay xoog loo adeegsado maleeshiyooyinka ay isbaarada u taalo taasi bedelkeedana uu qabo in la baryo oo qaadistoodana laga wada tashado, "waxaan qabaa in si tartiib ah loo qaado isbaarooyinka oo loo sameeyo qorshe, qasnad mushaarooyinna loo qoro, sidaas ayaan aqaanaa maahee ma aqaano qaadis isbaaro oo siyaasad ku hoos jirto"ayuu yiri Muuse Suudi oo ku nuux nuuxsaday in uu ogyahay dhibka magaalada Muqdisho yaala iyo culeysyo jira, sidaas darteedna uu soo jeedinayo in arrinta qaadista isbaarooyinka salka dhulka loo dhigo.

 

Muuse Suudi oo dooddiisu ay aad u kululeyd waxaa uu intaas ku daray in ay deg deg ula muuqato in lagu soo boodo hala qaado isbaarooyinka iyadoo aan mushaarooyin loo heynin, isla markaana aan canshuur la qaadeynin, wuxuuna caddeeyay in uu aad u daneynayo in arrinta qaadista isbaarooyinka ay ka wada tashadaan hoggaamiyayaasha ay quseyso ee dowladda ku jira.

 

Muuse Suudi oo ah hoggaamiyaha kaliya ee isagu Maleeshiyooyinka ku wehlinayay Xerooyinka Hiilweyne iyo Laantabuuro tan iyo markii la xareeyay 14-kii bishii hore ee May ayaa sheegay in ay labadaas xero ku jiraan 1500 oo maleeshiyo ah iyo gaadiid dagaal oo dhan 104 gaari, iyadoo maleeshiyooyinkaasna 1000 ka mid ah ay labis heystaan hala inta harsanna dhowaan loo labisi doono.

 

 

Intaas kadib waxaa hadalka Muuse Suudi jawaab ka bixiyay Wasiirka Amniga Md. Maxamed Qanyare oo sheegay in aan looga baahneyn Muuse Suudi qaadista isbaaro dad kale leeyihiin waxa kaliya ee laga doonayana ay yihiin kuwa isaga u yaala, "Hadda ka hor ayaa Nin lagu yiri waxaa soo socda cudur aaney ka badbaadeynin dadka aan madaxa xiran, wuxuuna ninkii yiri yaa dadka oo dhan madaxooda xirid la gaaro, markaasaa la yiri nin walba madaxiisa meyrax haku xirto, marka nin walba waxaa laga rabaa in uu qaado isbaaradiisa" ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaas ku daray in dadka isbaarada u taalo ay ****** yihiin, weliba dad la yaqaano, marka waa in aan qaadnaa ayuu yiri isbaarada oo aanan ka cabsan, "ninkii hadda hadal ku jiro ee dhahaya aniga qabiilkeyga isbaaradiisa la qaadi maayo dan ayuuna ku qabaa halkan ha yimaado hana sheego"ayuu mar kale yiri Maxamed Qanyare.

 

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isagu hadal ka jeediyay dooddan, wuxuuna sheegay in aaney isbaaro iyo qaran meel wada geli karin, sidoo kalena aysan qabiil iyo qaran meel wada geli karin, "Walaalayaal waxaan idinka codsaneynaa in aan isbaarada qaadno ciddii diidana aan shacabka tusno, haddii ay wax ka qaban waayaana aan beesha caalamka u bandhigno"ayuu yiri Md. Shariif Xasan oo ku cel celiyay in dhulka laga qaado sharafta dowladda oo isbaarooyinkana la qaado.

 

Kulankan doodda ah ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo madaxweynayaal KMG ah ka soo noqday dalka Soomaaliya, inkastoo dowladahoodii ay shaqeyn waayeen kadib markii ay ka soo horjeesteen isla hoggaamiyayaashan qaarkood.

 

Labada madaxweyne waxay sheegeen in ay taageero hagar la'aaneed la garab taagan yihiin howlaha nabadeynta ah ee loogu jiro Magaalada Muqdisho, wuxuuna Cali Mahdi sheegay in uu weligiisba sheegi jiray in dhibaatada dalka Soomaaliya xalkeeda uu ku jiro iyadoo la xaliyo marka hore dhibaatada magaalada Muqdisho, halka C/qaasim Salaadna uu sheegay in ay wax lagu farxo tahay howlaha nabadeynta ah ee ay wadaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ay xubno ka yihiin kuwo ay ka shaqeyn weyday dowladdii lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti.

 

Dhanka kalena, kulan kale oo ay xubnaha labada gole ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in maalinta berri ah iyadoo aan loo kala harin la qaado isbaarooyinka yaala magaalada Muqdisho, isla markaana maleeshiyooyinka laga kaxeeyo isbaarooyinkaas la siin doono lacag mushaar ah oo dhan hal milyan iyo cunno ay ku noolaadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very interesting discussion indeed! At least some one’s trying to stand up for the basic principles of governance. And it may as well be that we’re witnessing the turning point of that city’s post civil war history; it’s worthwhile to keep our ears on the ground and follow these initiatives.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

In the next few weeks and months, there will be a turning around for Somali polotics Inshallah. All sorts of Somalis, warlords (some), Sheikhs are united for peace. But at same time dont know how to go about it and disagree minor things like where the goverment should make a base which is trivial in my eyes.

 

It comes down to one thing and that is distrust within the warlords and goverment officials and even the main tribes. What other reason would the president choose to avoid Mogadishu,the answer is he does not trust the warlords and equally they dont trust him to be on his own setting up goverment institutions outside their influence and powers. The irony is these warlords dont trust each other themselves.

 

The good thing is the people are fed up of warlords and roadblocks and how ever its done, it will be done and dusted and Somalia will have its lost glory once again Inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haaruun   
Morgan is currently in Mogadishu...He will fix up the place like he fixed hargaisa back in the days...Yea right..I still can't blv he's there

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by YACQUUB:

What other reason would the president choose to avoid Mogadishu,the answer is he does not trust the warlords and equally they dont trust him

Ehem.. Isnt he (The president) a warlord too or has been elevated recently..? One basic thing which is absent in general with Yeey suppoeters and obviously from him is, isnt this a government of national reconciliation and that in order for it to work it should have the consensus of all involved, at least power brokers. And not a government where what Yeey utters is divine. With the lack of understanding of this fact Yeey has himself to blame for the destruction of this TFG, if not that , then may be bringing an imature end to his tenure of being a President.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Ehem.. Isnt he (The president) a warlord too or has been elevated recently..?

I am not interested to dwel too much on the definition of Warlord or who is a warlord and who is not, that is beside the point sxb. But if it makes you happy call him a warlord. The reason why I called him president and not a warlord is becouse he hasnt got a road block and militia in Mogadishu which is the topic of the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by YACQUUB:

The reason why I called him president and not a warlord is becouse he hasnt got a road block and militia in Mogadishu which is the topic of the moment.

Lets make clear one thing first..He is the President of Somalia. You can opposse his policies or even hate him, but regardless of what he is the President. With that out of the way what I need to ask you sxb is according to your above statment if you have a road block and kill innocent civilians outside Mogadishu you dont classify as a Warlord.? Or did I misinderstand you.? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

^^ LOL, You seem to have too much in your head

 

Anyway the answer of your question is "NO", every one who does that is a warlord and terrible person, Happy? But at this moment of time I don’t know where his militias have road blocks, may be you know better than me, care to enlighten us. If you talking about murder and killings of innocent people, the president did took part many of the Somali civil wars and should one day answer his actions before a court, but that is not the topic, is it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

I raise the issue of Warlord you said it is not the topic, what matters is the road blocks in Xamar and the warlords who own them.

Secondly when I asked you about what about those who have similar attributes out Mogadishu you once again said that is not the issue now and the President will answer his crimes in future court of Law,

Sxb how long do you intend to disguise the bandit as the prince.? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

You are trying twist and turn my words to fit your aims. Sxb, stop running around, I am not here to defend the president, and dont care whether you call him a warlord or a prince as you seeminly offended by me calling your heroes warlords. OK, he is a warlord and he has a lot of road blocks :D:D ok?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this