Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo qoraal kasoo saartay arrin aad looga cabsi qabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay saadaasha roobka toddobaadka u horeeya ee bishaan November, xili hore looga cabsi qabay roobab dabeylo wata ku dhafta qeybo ka mid ah dalka.

Qoraal kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka xarunteeda ka digista halis-wadareedka ayaa waxa lagu sheegay in asbuucani uu ka qalalnaan doono afartii asbuuc ee la soo dhaafay.

“Waxaa aad u qalalnaan doona gobollada Waqooyi, gobollada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka, kuwaasi oo intooda badan heli doona roob aad u yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Sidoo kale waxay saadaashu sheegaysa in asbuucan ay roob aad u yar heli doonaan gobollada; Waqooyi-galbeed sida, Awdal, Sool, Togdheer, Nugaal, Bari, Mudug, Hiiraan, kaasi oo xadigiisa lagu qiyaasay 01 – 10 (mm)

“Gobollada kale ee dalka sida: Sanaag, Galguduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha-hoose, Jubada-dhexe, Bay, Bakool iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka in gobollada Gedo iyo Jubada-hoose inay asbuucan heli doonaan roobabka ugu badan dalka, kuwaas oo qiyaastii u dhexeyn doona 01 – 50 (mm).

The post DF oo qoraal kasoo saartay arrin aad looga cabsi qabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this