Abdi Farah

Maxaa Keenay Inuu Afka Soomaaligu Sii Dhumayo?

Recommended Posts

Sanadahii la soo dhaafay waxaan ku shaqaynayay turjumaan ahaan (Somali Translator); waxaana ku guulaystay la shaqeeyo shirkad ka mid ah shirkadaha turjumaadda ugu weyn oo ku taal wadanka UK (Certified Translation Services UK). Mudadii aan ka shaqaynayay waxaan shirkaddan u qaabilsanaa luuqadda Soomaaliga. Waxaan ogaaday in Afka Soomaaligu uu ka mid yahay luuqadaha loogu isticmaalka badan yahay aduunka; maadaama ay Soomaalidu aduunka ku baahday. Hadaba waxaa nasiib xumo ah in Soomaali badan oo isu aragta aqoon yahano inay afkooda ka faanaan oo aad arkayso in qoraalkii dhalinyarada ee Baraha Bulshada iyo websaytyada ay Soomaalidu isagu yimaadaan sida golahan SomaliaOnline oo kale lagu wada hadlayo luuqadda Ingiriisiga. Hadaba su'aashu waxay tahay Sidee ayaan dhalinyarada ugu dhiirigalin karnaa inay Afka Soomaaliga bartaan; kuna wada hadlaan? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guest
This topic is now closed to further replies.