Sign in to follow this  
xiinfaniin

The War has just started in Xamar...

Recommended Posts

Dagaal ka socda Magaalada Muqdisho iyo Ciidamada Dowladda oo la wareegay qeybo ka mid ah Waddada Wadnaha

 

Jimco, May 22, 2009(HOL): Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa Isgoyska Florenza iyo nawaaxiga Saldhigga Wardhiigley, halka ay xoogagga labada dhinacna isku horfadhiyaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu qaxay kadib markii ay Ciidamada Dowladda xalay la wareegeen qeybo ka mid ah Waddada Wadnaha, gaar ahaan Isgoysyada ku dhow Suuqa Bakaaraha, sida Isgoysyada Bakaaraha, Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saaka caksan, waxaana barakac laga dareemayaa xaafado horay u deganaa oo ka tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, iyadoo degmooyinkaas ay dhawaanahan ahaayeen kuwo xasiloon.

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Muqdisho halkan kala soco haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Dowlada Soomaaliya oo qabsatay dhul badan oo Muqdisho ah iyo Dagaalo hada socda.

 

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo xoogan uu ka socda iyadoo dowlada Soomaaliya ay qabsatay dhul badan oo ka mid ah magaalada muqdisho.

 

Inkastoo ay haatan tahay aroor hore ayaan la ogaan karin faahfahin rasmi ah oo ku saabsan dagaalkaasi socda lakiin wararka ayaa sheegaya in dhulka ay dowlada la wareegtay ay ka mid tahay jidka sodonka iyo suuqa bakaaraha.

 

Lama oga sidoo kale qasaaraha uu dagaalkani geystay iyadoo la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dowlada Soomaaliya ay haatan la soo baxday hab cusub oo dagaaleed kaasoo ay ku dooneyso inay muqdisho kaga saarto kooxaha ka soo horjeeda.

 

arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ra'isal wasaaraha Soomaliya uu sheegay in uu san jirin xal danbe oo ay raadinayaan wadahadal lakiinse ay xalka ku raadin doonaan dagaal ay la galaan maleeshiyaadka dowlada ka soo horjeeda ee ku abtirsada islaamiyiinta Soomaliya.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco jowhar.com

 

http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=2835

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I remember in 2006, when the ethiopian army was coming to mogadishu the ICU led by Aweys quickly left the city and claimed they wanted to limit civilian deaths. I wonder what changed now and why they don't have the same consideration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by somalipride:

I remember in 2006, when the ethiopian army was coming to mogadishu the ICU led by Aweys quickly left the city and claimed they wanted to limit civilian deaths. I wont what changed now and why they don't have the same consideration.

Very Valid point. Sh Hassan Dahir Aweys has really changed. It explains why his deputy is the former adviser to Abdullahi Yusuf, mr Zakariya Mohamed.

 

The war in Somalia is based on fraud and the Islamic Scholars have said so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Adeer stop the nonsense, Zakaria Haji Mohamoud was a minister in Abdiqasin's Arta and an opposition twit from London.

 

As for Xasan dahir he never cared for the people of Mogadishu only his Guriceel sub clan matter to him if anyone matters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^lool. Adeer stop the nonsense, Zakaria Haji Mohamoud was a minister in Abdiqasin's Arta and an opposition twit from London.

 

As for Xasan dahir he never cared for the people of Mogadishu only his Guriceel sub clan matter to him if anyone matters.

As always the facts keep making a mockery out of your claims.

 

http://www.youtube.c om/watch?v=kGRoaLuyY GI

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:War deg deg ah Wasiirka gaashandhiga dawlada Somalia oo dagaalki saaka sheegay in ay dawlada guulo ka gaartay ayna wadeyso dagaalka inta la afjarayo mucaaradka

22. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Wasiirka gaashandhiga dawlada midnimada qaran Max'ed Cabdi Gaandi oo shir jaraa'id daqiiqado ka hor ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in dawladu ay guulo ka soo hoysay dagaaladi ay saaka ku qaaday xarumaha mucaaradka.

 

Pr:Max'ed Cabdi Gaandi wasiirka gaashandhiga ayaa sheegay in dawladu ay wadi doonto dagaalka ka dhanka ah mucaaradka inta ay ka xaqiijineyso nabadgelyada dadka iyo dalka .

 

Waxa uu ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan meelaha ay dawlada weearareyso si aanay dhibaato uga soo gaarin madaaficda iyo rasaasta kale ee la is dhafsanayo.

 

Pr:Max'ed Cabdi Gaandi ayaa sheegay in dawladaha IGAD iyagana ay qaateen go'aan ku saacidi kara dawlada in ay ka adlkaato mucaaradka oo ah in xayiraad lagu soo rogay garoomada iyo dekedaha ay isticmaalaan.

 

Hadalka wasiirka ee uu ku sheegay in guulo ay gaareen ciidamada dawlada ayaa ku soo beegmaya xili laga soo celiyey meelihi ay saaka ka saareen mucaaradka isla markaana xoogaga mucaaradka ay guluf culus oo dib u laabasho soo sameeyen

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland la soco wixi so kordha daqiiqad walba

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada oo mar kale dib u soo rogaal celiya iyo goobaha saxda ah ay kala joogaan labada ciidan

 

Dagaal faraha looga gubtay ayaa wali ka socda Muqdisho kaa oo u dhaxeeyo xoogaga isbiirsaday ee ka soo horjeeda Dowlada islaamiga Soomaaliya

 

Goobaha oo aan la xariinay waxaa si dhab ah loo kala joog labada ciidan iyadoona Isgoosyada jidka wadanaha ay yihiin kuwa aan cidana heysan oo yool ah oo xabada ay isku dhaaf dhafeysa sidii roobka oo kale

 

Ciidanka Dowlada ayaa waxay joogaan goobahaan Isgoosyka Bukaaraha waxay ka joogaan Gurigii Faarxa Cabdu Garam garm oo oo u dhow Suuqa kuna yaalo deegaanka Ceel garweyne waaana meel aan sidaa uga fogeyn isgooska Bukaaraha halka ciidanka kale ee ka soo horjeeda dowlada ay joogaan Dhanka kale ee laamiga ee u dhow Cirtogte

 

Isgooyska howlwadaag wxaa dib ugu soo rogaal celiyey ciidanka dowlada kuwaa oo markii horre la baacsaday waxaana hada isgoosku uu yahay mid foorinaayo oo xabada ka socota labada ciidana ay kala joogaan labada dhinac .

 

Dhanka Wardhiigalay waxaa wali heysta ciidanka Dowlada waxeyna joogaan Dugsiga Maxuud Xarbi ilaa maxkmada Xararyaale halka dhanka Tarbuunka ay joogaan ciidanka dowlada uu horkacaayo taliya ciidanka Balooska Cabdi caawale qeybdiid

 

Dagaalka ayaa moodaa in ciidanka dowlada oo la baacsan jiray xiligaan u muuqdaan kuwa awood aan la ogen la soo baxay taa oo lagu macneyey in ay jihaad ku jiraan ayna difayaan dowlad islaamka ah wali amarkana amarkiisa la fuliyaa jano lagu galayaa

 

Dagaalada maanta ayaa xiligaan u muuqda in ay xoogaa horomar ah ay ka gaareen ciidanka dowlada kuwaa oo markii ugu danbeysay kala joogay isgoosyada Dabka iyo Sayidka xiligaana waxay joogaan meel u dhow Bukaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar C/rashid: 'Waxaa u diyaargarownay dagaal'

22 May 22, 2009 - 11:43:46 PM

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay sheegay in dowladiisu ay dagaal la galayso kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda, kuwaasoo wada dagaalo ay ku majo-xaabinayaan xukuumada jirta.

 

Sharma'arke wuxuu sheegay in kooxaha dagaalka kula jira dowlada aysan doonayn nabad ka dhalata Somalia, isagoo ku sheegay waxa ay yaqaanaan dagaal, xukuumadiisuna ay u diyaargarowday.

 

"Al-shabaab ma lahan wax ajande siyaasadeed ah, waxayna wataan dagaalyahano shisheeye ah, si ay dalkan uga dhigaan mid aan ka bixin fowdo iyo rabshado, inaguna waxaan balanqaadnay inaan dagaal la galno" ayuu yiri Sharma'arke oo wareysi siiyay Reuters.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia oo markii la magacaabay [Feb 2009] sheegay inuu kooxaha dowlada ka horjeeda sida Al-shabaab ku wajahayo nabad iyo wadahadal, ayaa markaan u muuqda mid u xuubsiibtay inuu Somalia ku xaliyo xabad iyo dagaal.

 

"Ma filayo inay jiraan fursado kale oo lagula fariisan karo mucaaradka, si looga hadlo waxa la isku hayo, waxa keliya ee aan fahmayno waa inay doonayaan dagaal, waxaana diyaar u nahay inaan ciribtirno" ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Somaila.

 

Cumar C/rashiid, wuxuu sheegay in ciidamada dowladu ay eryanayaan 300-dagaalyahano shisheeye ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamayay Al-shabaab, balse haatan dibada uga baxay magaalada Muqdisho.

 

"Shabaab iyo dagaalyahanada ajnabiga ah ee caawinaya dagaalkoodu ma ahan mid ujeedo leh, magaalo ayay tagayaan wayna ka baxayaan; dagaalkooduna waa mid ku saleysan ku-dhufo-oo-ka-dhaqa aq, waxay burburiyaan magaaladii ay tagaan, dadkana way argagax-geliyaan" ayuu yiri Shar'amarke hadalkiisa ****dhigay.

 

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay dadka ugu hanjabaan dil, hadii ay taageeraan xukuumada, taasoo uu ku sheegay inaysan dadku awood u lahayn inay taageeraan dowladooda.

 

"Waxaan weli la yaabanahay sababta mucaaradku ay u wadaan dagaalada aan ujeedada lahayn... waxay ku guuldareystaan inay gobol si dhab ah u joogaan... kooxahaas waxay carqaladeeyaan maamulada Islaamiga ah, hadana waxay sheeganayaan Islaam" ayuu carabka ku adkeeyay Sharma'arke.

 

Kooxda Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa inta badan Gobolada koonfureed ee Somalia, iyagoo sugay amaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxayna dadka deegaanadaas ku fuliyaan sharciga Islaamka, markii lagu helo dambi.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Eritrea Issias Afawerki inuu hubeynayo kooxaha mucaaradka ah ee dowladiisa ka horjeeda, iyadoo IGAD ay shalay cunoqabateyn saartay Al-shabaab iyo Eritrea.

 

"Waxaan haynaa xaqiiqooyin dhab ah in Eritrea ay taageero buuxda oo hub iyo dhaqaale ah siiso kooxaha argagaxisada ah ee dowladeena ka horjeeda, dariiq ahaana loo istimcaalo, taasna waa wax laga murugoodo" ayuu yiri Sharma'arke.

 

Dowlada Eritrea ayaa horaantii bishan iska fogeysay eedeymaha loosoo jeediyay ee ah inay hubeynayso mucaaradka Somalia; iyadoo UN-ka iyo Mareykanku ay sidoo kale ku eedeeyeen inay hurinayso dagaalada ka socda Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga DFKM oo guulo sheegtay xili kooxaha ka soo horjeeda ay beeniyeen

Posted to the Web May 22, 15:22

 

 

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKM Dr Gaandi ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku qabsadeen Fadhiisimo Cusub oo ay joogeen kooxaha islaamiyiinta balse ay taas meesha ka saareen kooxaha ka soo horjeeda DFKM .

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka go,antahay DFKM in ay iska dhiciso kooxaha ka soo horjeeda oo uu ku tilmaamay qaswadayaal waxaa uuna yiri Dr Gaandi

‘’Ciidamadeenu waxaa ay la wareegeen saldhigyo Muhiim ah ,waxaana ay doonayaan in ay difaacaan Shacabka Soomalaiyeed oo uu sheegay in ay duulaan ku yihiin kooxo qaswadayaal ah .

 

 

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Ururka Xisbul Islaam Muuse Caraale ayaa waxaa uu sheegay in Dagaal gardarro ah lagu soo qaaday fadhiisimadii ay ka sugnaayeen ayna iska difaaceen meel laga qabsadayna aysan jirin.

 

Afhayeenkaan Xisbul Islaam Muuse Caraale ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay qayb ka ahaayeen Hogamaiye Kooxeedyadii dhibaatada ku haya shacabka oo hada ka hor ay MMI ka saareen dalka iyo ciidamada AMISOM.

 

Dagaalka maanta ayaa waxaa uu geystay khasaaro lixaad leh waxaana ku dhintay inta la ogyahay ilaa 30qof waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan oo aan la aqoon.

 

Ilaa haatan ciidamada DFKM iyo kuwa ka soo horjeeda waxay kala joogaa goobihii ay horey u kala joogeen waxaana haatan qaboobay dagaalkii xawliga ku socday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Recovering romantic, You dont know who Zakaria is do you? He is a flip floper but was never an advisor to President Yusuf.

Did you even bother to watch the video that I posted? You are either dumber than you seem or down-right delusional.

 

Stop insulting my intelligence and that of fellow members.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this